Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya, ayaa soo qaban qaabisay Baraamijka Shaqo Hufan, kaasi oo ay si rasmi ah iskaga kaashanayaan, Hay’adda Caalamiga ee Shaqaalaha Aduunka “ILO”, Ururada Shaqaalaha Soomaaliyeed, iyo looshaqeeyaha oo ay hogaaminayaan Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed,
Barnaamijkaan oo ahaay mid soo socday muddo dher ayna ka wada shaqeynayeen hay’adahaani, ayaa waxaa manta daah-furay, Ku-simaha Madaxweynaha ahna Gudoomiyaha Baarlamaanka JFS, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe). Munaasabada daah-furka, Baraamijka Shaqo Hufan, ayaa waxaa kaso qayb galay Wasiirka shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS, Mudane Dr. Maxamed Cilmi Ibraahim, Wasiirada shaqada Dowlada Goboledyada, xubno kasocda hay’adda ILO, Xoghayaha Guud ee Xiriirka Ururada Shaqaalaha Soomaaliyeed, iyo loo shaqeeyasha oo uu matalaayay Guddomiye ku-xigeenka Rugta Ganacsiga mudane Cabdiraxman Cabdullahi Adam “Galambe”.
Ku-simaha Madaxweynaha ahna Gudoomiyaha Baarlamaanka JFS, Mudane Sheekh Aadan (Madoobe), oo kulanka daah-furay ayaa ugu horeyntii uga mahad-celiyay dhamaan hay’adaha kaso shaqeyay Barnaamijkaan, gaar ahaan Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya “Barnaamijkaani waxaa uu saxayaa dhamaan waajibadka looshaqeeyaha iyo shaqaalaha, waxaana ka abuur-maayo sharciyo, waxaan rajeynayaa in shaqaalaha Soomaaliyeed ay waxii hadda kadan-beeya ay helidoonan kalsooni iyo badqab shaqo”.
DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Xafiiska Warfaafinta Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed
Adam Hassan Mohamud
somalichamberofcommerce@gmail.com,
info@somalichamber.so
https://somalichamber.so/
Facebook:https://www.facebook.com/somalichamberofcommerce/
@somaliacci
https://www.instagram.com/rugtaganacsiga/
https://www.linkedin.com/…/somali-chamber-rugta…/
https://www.youtube.com/watch?v=2QL4CbwsYaI

















