Masuuliyiin uu hogaamiinaayo Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed Mudane Maxamuud Cabdi Cali “Gabayre” oo iskugu jira Madaxda Rugta Ganacsiga iyo qaar kamid ah ganacsatada dalka ayaa kulan la qaatay Maareeyaha Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka mudane Cabdiweli Timacadde,
Ugu horeynti waxaa warbixin dhinacya fara badan taabaneyso ganacsatada siiyay Maareeyaha Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka mudane Cabdiweli Timacadde, taasi oo ay ganacsatadu weydiiyeen su’aalahii ay qabeen. Maareeyaha ayaa tilmaamay in Hay’adda NIRA hirgalinayso nidaam loo dhanyahay si fududna lagu wada heli karo. Isagoo sheegay Kaarka Aqoonsigu inuu wax wayn ka tari doono horumarinta dhaqalaha dalka.
Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga ayaa ganacsatada ugu baaqay in ay qaataan karka aqoonsiga kaasi oo wax-yaabo fara badan ufududeyn doona. Waxaa uuna raaciyay inay aad ugu taamayeen nidaamka Aqoonsiga ee Hay’adda NIRA hirgalisay. Sidoo kalena Ganacsatada Soomaaliyeed baahi wayn u qabaan Kaarka Aqoonsiga dadweynaha.