Hay’adda Tayo-dhawrka Soomaaliyeed ayaa si rasmi ah u daah furtay Sheybaar lagu hubinaayo badeecadaha dalka soogala iyo kuwa kabaxa. Munaasabadda xarig jarka oo ay aheed mid heer sare loo soo agaasimay, ayaa waxaa kaso qayb galay xubno kala duwan oo uu ugu horeyo Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Xildhibbaan Jibril Abdirashid Haji Abdi, Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Mudane Abdirisaaq Cumar Mohamed, Maareeyaha Hay’adda Tayo-dhawrka Soomaaliyeed Marwo Haawo Ahmed Hassan, Maareeyaha Dekeda Muqdisho Mudane Axmed Maxamed Maxamud, iyo Ganacsto uu hogaaminaayo Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Mudane Mohamud Abdi Ali “Gabeyre”
Dhamaan masuuliyiintii kaso qayb galay munaasabadda ayaa sheegay in baahi weyn loo qabo sheybaar, kaasi oo lagu hubin doono tayada badeecaddaha iyo taariikhdooda si bulshada Soomaaliyeed loo ilaaliyo badqabkooda caafimaadkooda, iyo deegaankooda.
Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Xildhibaan Jibril Abdirashid Haji Abdi oo halkaas ka hadlay, ayaa boggaadiyey dadaalka hay’adda Tayodhowrka Soomaaliyeed, waxaana uu tilmaamay inay ka go’an tahay wax ka qabashada iyo joojinta badeecafaha tayadoodu liidato ee loo soo dhoofiyo dalka si loo ilaaliyo badqabka caafimaaf ee noolaha iyo bii’adda.
Ugu danbeyntii Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga ayaa dhankiisa boggaadiyey dadaalda hay’adda Tayodhowrka Soomaaliyeed, waxaa uuna sheegay in uu sheybaarkaani kor u qaadaayo dhoofinta wax soo sarka dalka iyo tayadda alaabta dalka imaanaaya, sido kalane uu yareynaayo tuhunka Ganacsatada Soomaaliyee laga qabo.