Kulankaani ay waxaa so qaban qaabiyay wasaaradda arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS, waxana diiradda lagu saarayay xoojinta xiriirka wadashaqeynta bulshada rayidka ah iyo bahda ganacsatada Soomaaliyeed ee ku aaddan geedi socodka nabad dhiska iyo dib u heshiisiinta, waxana kaso qayb galay xubno ka socday wasaaradda arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS oo uu hogaminaya wasiir Axmed Macalin Fiqi, Ganacsata ay hoggamineysa Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed, Bulshadda Rayidka ah, Culumaa’udiinka, iyo hawaanka qaranka.
Guddomiyaha Bulshadda Rayidka mudane shaatax oo kamid ahaay masuliyinta kulanka ka hadlay ayaa sheegay in ay arinka heshisinta muddo kuso jireen, daraasado kala duwan ay kasameeyeen ka bulsha Rayid ahaane ay aad uso dhaweynayaan in wasaaraddu manta qaadatay halka waqtiyadi hore diradda lasari jiray howlaha Aminga.
Dhnka kale Guddomiye ku-xigeenka Rugta Ganacsiga Mudane Abdirahman “Galanbi” ayaa sheegay in ganacsatadu ay mar waliba yahiin kuwa hashiis ah logana soo gudbay daruufihi adkaay ee dalka somaray hashiskoodda.
Wasiirka wasaaradda arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS, oo kulaka soo xeray ayaa ugu horreyntii waxaa uu ka hadlay ahmiyadda kalsooni dhisidda ee u dhaxeysa dowladda federaalka ah, dowlaha xubnaha ka ah iyo guud ahaan bulshada “Waxaa jira kalsooni darro ka dhalatay dagaalladii sokeeye dalka ka dhacay, si taas wax looga qabto xukuumadda dan qaran tiirkeeda 3-aad waa kalsooni dhisid, waxaa halkudheg u ah SOOMAALI HESHIIS, DUNIDA HESHIIS LA AH, shirkan maanta aan fadhinno waa astaan Soomaali heshiis ah, heshiiskeeda ay Soomaali wado”.
Ugu dambeyntii, waxaa uu wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiiinta ugu baaqay beesha caalamka iyo ganacsatada Soomaaliyeed in ay taageeraan umadda ay abaarta heyso isaga oo yiri “Waxaan ugu baaqeynaa dadka ay abaaraha heyso, ganacsatada waan is aragnay, jawaab ayaan ka sugeynaa”.
Dhamaad.