MUNAASABADA WAREEJINTA TAAKULADA SOOMAALIYA EE TURKIGA

Qaar kamid ah gudonka sare ee Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed oo uu hogaaminaayo Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Mudane Maxamuud Cabdi Cali”Gabeyre” ayaa ka qayb galay munaasabada Wareejinta taakulada Soomaaliya ee Turkiga.

Munaasabaddaani oo aheed mid heer qaran ah, taakulo iyo garab istaagne loogu mujinayay walalaha dalka Turkiga oo dhamaan uu ka dhacay dhulgariir aad u xoogan ayna naf iyo hantiba kuwaayeen dada aad ufarabadan, ayaa waxaa kaso qayb galay Guddomiyaha Barlamaanka dalka ahna kusimaha Madaxweynaha mudane Sh Aadan Madoobe, Ra’isul wasaare Xamze Cabdi Barre, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib u heshiisiinta ahna Gudoomiyaha gudiga, Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha, Safiirka Turkiga, Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaaladda Mogadishu mudane Yusuf Madaale, Ganacsatada qaybaheeda kala duwan oo ay hogaminayan mamulka Rugta Ganacsiga, Gudoomiyaha Bulshadda Rayiidka Mudane Shatax, Culuma,udiin uu hogaminaayo shekh Bashir Axmed Salad, iyo Ururadda Haweenka.

Munaasabadda ayaa waxaa safiirka Turkiga lagu gudon siiyay calag gaareysa $5,000,000 (Shan Malyan oo dollar) oo u dhiganta 94,100,000TL taasi oo lagu garab istaagayo dadkii dhulgariirku dhibaateyay. Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Mudane “Gabeyre” oo kamida masuuliyinta goobta kahadashay ayaa yiri “Maanta waxaan si hordhac ah u wareejinaynaa taakulo aan uga qeyb qaadaneyno gurmadka walaalaheen reer Turki, waana sii wadi doonaa, dalkeenana waa na sugayaa dalalka dibaddana inaan la tillaabo qaadno waa muhiim”

W/Q Adam Hassan Mohamud Agasimaha Waxda Warbahinta Rugta Ganacsiga.

Leave a Comment