MUNAASABADDA SAXIIXA HESHIISKA ISKAASHI EE HAY’ADDA NIRA IYO MIDOWGA BANGIYADDA SOOMAALIYEED.

Magaalada Muqdisho waxa maanta ka furmay Munaasabadda Saxiixa Heshiiska Iskaashi ee Hay’adda NIRA iyo Midowga Bangiyada Soomaaliya. Munaasabadda waxa kasoo qayb galay Ra’iisal Wasaare ku xigeenka Jamhuuriyadda Soomaaliya, Mudane Salax Jamac, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib u heshiisiinta Cali Yusuf Xoosh, iyo Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta & Teknolojiyada Maxamed Soomaali, Ganacsato uu hogaminaayo Guddomiye ku-Xigeenka Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed Mudane Abdirahman Abdullahi Adam “Galambi” iyo Guddomiyaha Bulshada Rayidka ah Mudane Muxudiin Shatax, iyo mas’uulyiin kale oo ka socotay hay’adaha dowladda.
Heshiiskan ayaa qayb muhiima ka qaadan doona dadaallada lagu horumarinayo dhaqangelinta nidaamka aqoonsiga qaranka, isaga oo diiradda saaraya isku xirka nidaamka aqoonsiga qaranka iyo adeegyada bangi dalka.
DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Xafiiska Warfaafinta Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed
Adam Hassan Mohamud
somalichamberofcommerce@gmail.com,
info@somalichamber.so
@somaliacci