Ganacsato uu hogaaminaayo Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed Mudane Mahamud Abdi Ali “Gabaire”, ayaa ka qeyb-galay Munaasabad uu Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud xariga uga jaraayay xarunta Keydka Gaaska ee Banaadir (Banadir Gas Terminal LTD). Munaasabaddaani oo aheed mid herkeedu sareeyo ayaa waxaa kaso qayb galay Xildhibaano, Wasiiro, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, iyo qaybaha kala duwan ee Ganacsatada dalka.
Guddoomiyaha Shirkadda SFC Mudane Ismaaciil Abdullahi Siyaad “Gooni” ayaa ugu horeyntii ka hadlay heerarka ay Shirkaddu soo martay, iyo sida lagu bilaabay Banaadir Gas (Banadir Gas Terminal LTD), “waxaa maal-gashaday Ganacsato Soomaaliyeed oo iska kaashaday”
Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga, oo munaasabadda ka hadlay ayaa ugu horeyntii ka mahad celiyay iskaashiga Ganacatada Soomaaliyeed, waxaana uu sheegay in la joogo waqtigii ay Ganacsatadu iska kaashan laheed, maal-gashiga Hormarinta Warshadaha dalka.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Ganacsatada Soomaaliyeed ku amaanay doorka maalgelinta kaabayaasha kala gedisan ee dalka, waxa uuna xusay in ay ka go’an tahay dhiiragelinta Ganacsatada si ay u maalgishtaan dalkooda.
Ugu danbeyntii Madaxweymaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo munaasabadda soo xeray, ayaa Ganacsatada ku dhiiri galiyay in ay maalgashadaan Kaabayaasha dhaqaalaha dalka, waxaaana uu yiri “waxaan rajeynayaa in dhowaan Gaaska dalka dibadaiisa nooga yimaada uu dalkeenna nooga soo baxidoono.”.
























