Ra’iisul Wasaaraha XFS, Mudane Hamza Abdi Barre iyo qaar kamid ah wasiiradiisa, Hayadda musiibooyinka qaranka ayaa kulan laqaatay Ganacsato ay hogaamineysa Rugta Ganacsiga
Kulanka ayaa looga hadlay sidii loo dardargelin lahaa hawla gurmadka abaaraha, iyo wax ka qabadka caqabadaha heysto waaxaha Bankiyada, Xawaaladaha, Beeraha, iyo Suuqyada. Waxaana ay ganacsatadu sheegen inay diyaar u yihiin inay ka qayb qaataan abaabulka bulshada iyo dhinaca dhaqaalaha wax loogu qabanayo shacabka abaaruhu sameeyeen.
Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS. ayaa warbixin uu kaga hadlaayo dadka abaaruhu sameeyeen ka jeediyay kulanka, iyo ilaa iminka gurmadka ay garsiiyeen magaalooyinka, sida Beledweyne iyo Buulo Burde, Baydhabo iyo Xudur.
Ra’iisul Wasaare Xamse, oo kulanka so xeray ayaa dhankiisa sheegay in xukuumaddiisu oo kaashaneysa shacabka Soomaaliyeed ay xoogga sii saari doonto dhammaan deegaannada abaartu aadka u saameysay si deg deg wax loogu qabto shacabka tabaaleysan ee soomaaliyeed.
Dhamaad.