RA’ISUL WASAARE XAMSA OO GANACSATADA SOOMAALIYEED KALA HADLAY JIHEYNTA DOWLADNIMADA CASRIGA AH,

Ra’iisul Wasaaraha XJF Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan looga hadlayay jiheynta dowladnimada casriga ah ee Soomaaliya layeeshay ganacsatada dalka iyo doorka ay ku leeyahiin hormarinta dowladnimada soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa u mahadceliye Rugta Ganacsiga iyo guud ahaan ganacsatada Soomaaliyeed sida ay wadanka u soo badbaadiyeen iyo doorka ay ku lahaayeen dib u soo celinta Dowladnimada Soomaaliya sidoo kale waxaa uu tilmaamay muhiimadda ay leedahay in hey’adaha Dowladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay ay isla -jaanqaadaan, si wadajir loogu xaqiijiyo hiigsiga fog ee horumarka dalka.
Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa lawadaagay madaxda Rugta Ganacsiga iyo milkiilayaasha ganacsiyada gaarka loo leeyahay, baahida loo qabo in la sameeyo isbeddel dhan walbo ah, si isbeddelkaas looga mirro dhaliyana ay lagama maarmaan tahay in la helo ka go’naansho bulsho. Ugu danbeyntii Ra,isul Wasaaraha ayaa ganacsatada kula dardaarmay in ay kaalintooda ka qaataan amniga, horumarinta dhaqaalaha iyo adeegyada bulshada ee u baahan in wadajir wax looga qabto.

DHAMMAAD

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;

Xafiiska Warfaafinta Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed

Adam Hassan Mohamud

somalichamberofcommerce@gmail.com,

info@somalichamber.so

https://somalichamber.so/

Facebook:https://www.facebook.com/somalichamberofcommerce/

@somaliacci

https://www.instagram.com/rugtaganacsiga/

https://www.linkedin.com/…/somali-chamber-rugta…/