Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS oo kaashaneysa, Hay’adaha u xilsaaran dib-u-eegista Dastuurka ayaa manta kulan wada tashi ah layeeshay, qaybaha kala duwan ee Bulshada rayidka, oo ay ugu horeeyaan,Ganacsatada, Culumaa’udiinka, Hogaamiyaasha dhaqanka, Bahda wax-barashadda, Hawenka, iyo Dalladda Bulshada Rayidka ah.
Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS, Mudane Xasan Macallin Maxamuud, oo ay wehliyaan Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Avv Muumina Sheekh Cumar ,Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Axmad Cabdiraxmaan, Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga Lasocodka Dastuurka Sen. Cabdullaahi Sh. Ismaaciil (Fartaag), iyo Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Dastuurka Avv. Burhaan Adan Cumar, ayaa si rasmi ah u-daah-furay Shirka latashiga Bulshada Rayidka ee dib-u-eegista Dastuurka, Shirkan oo socon doona muddo laba maalmood ah.
Guddomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed Mudane Maxamuud Cabdi Cali “Gabeyre” oo kamid ah masuuliyiinta kulanka kaso qayb gashay ayaa ugu horeyntii soo dhaweyay Shirka latashiga Bulshada Rayidka ee dib-u-eegista Dastuurka, asaga oo sheegay in uu shirkaani kuso beegmay waqtigii loo bahnaay, in latashi lala sameeyo Bulshada qaybaheeda kala duwan.
DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Xafiiska Warfaafinta Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed
Adam Hassan Mohamud
somalichamberofcommerce@gmail.com,
info@somalichamber.so
https://somalichamber.so/
Facebook:https://www.facebook.com/somalichamberofcommerce/
@somaliacci
https://www.instagram.com/rugtaganacsiga/
https://www.linkedin.com/…/somali-chamber-rugta…/
https://www.youtube.com/watch?v=2QL4CbwsYaI














