KULANKA WADATASHIGA SHARCIGA CANSHUURTA MACAASHKA

Wasaaradda Maaliyadda XFS ayaa soo qaban qabisay Kulanka Wadatashiga Sharciga Canshuurta Macaashka, waxana ka qayb galay Ganacasato uu hogaaminaayo Guddomiye ku-xigeenka Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed mudane Cabdiraxman Cabdullahi Adam “Galambe” oo uu wehliyo Guddomiyha Rugta Ganacsiga Gobolka Banaadir, Mudane Axmed Cabdullahi Xasan “Shariif”, iyo xubno ka socday hey’adaha kala duwan.
Agaasimaha guud ee Dakhliga mudan Faysal M. Xaashi, ayaa ugu horeyntii ka warbixiyay Sharciga iyo marxaladaha uu soo maray, waxaana uu sheegay in loobahan yahay 30% miisaaniyadda dalku in ay ka timaato, Canshuurta macaashul macashka, Canshurta Shaqaalaha, iyo Canshurta Macashka Daaraha, “canshuurta toosan”. Dhanka kale Ganacsatadii kulanka ka qayb gashay oo ugu horeeyo Guddomiyaha Beeraleyda Mire Indha Yare, iyo qaarkale oo fara badan ayaa su’aalo kala duwan ka weyndiiyay shirciga, ayaga oo raaciyay talooyin dhowr ah.
Guddomiye ku-xigeenka Rugta Ganacsiga mudane Cabdiraxman Cabdullahi Adam “Galambe” oo kamid ah masuuliyiinta goobta ka hadashay ayaa ugu horeyntii so dhaweyay latashiga Wasaaradda Maaliyaddu, ay la sameyneysay Ganacsatada, maadama ganacsatadu ay yaahiin kuwa ugu badan ee looshaqeeyo ee dalka kajira, ayna tahay in lagala tashado sharciga canshuuraha, asaga oo raaciyay in Wasaaradda Maaliyaddu ay kulamada nuucan ah sii waddo kan ugu horeyana ay Rugta Ganacsigu soo qaban qaabindonto.
Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda 𝐗𝐢𝐥𝐝𝐡. 𝐂𝐚𝐛𝐝𝐢𝐪𝐚𝐟𝐚𝐚𝐫 𝐂. 𝐗𝐚𝐚𝐧𝐠𝐞, ayaa ganacsatada ugu baaqay in ay ka qeyb noqdaan hormarinta dalka, iyo bixinta canshuuraha kala duwan si loo hormariyo, guud ahaan awooda dalku uu leeyahay ee ku aadan dhan waliba.
DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Xafiiska Warfaafinta Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed
Adam Hassan Mohamud
somalichamberofcommerce@gmail.com,
info@somalichamber.so
@somaliacci
See Translation