SHIRKA MAALGAHSIGA CAALAMIGA SOOMAALIYA OO GALABTA SOO XIRAY.

Madaxweyne Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh ayaa daah furay shirweynaha maalgashiga Soomaaliya, shirkaani shirkaani oo ahaay mid heer caalami ah ayaa waxaa kaso qayb galay masuuliyiin heer caalamia ah oo ay ugu horeeyaan safiiradda safaaraddaha, Mareekanka, Turkiga, Chainaha, qaarkamid ah wakiilada caalamka, afrika iyo ganacsatada qaybaheeda kala duwan oo ay hogaamineyso Rugta Ganacsiga iyo Warshaddaha Soomaaliyeed.

Shirkaani ayaa mudadii uu socday waxa diradda lagu saaray guud ahaan malgashiga dalka gaar ahaan waaxaha ubaahan in lamaal gashiga, waxana la qabtay dood cilmiyeedyo ku saabsan malgashiga soomaaliya iyo faa,idda uu dalka uleeyahay malgashiga ajaanibta.

Shirkaani oo ahaa mid kii ugu horreeyay oo nuuciisa ah ayna soo agaasintay Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha XFS, Xafiiska Malgashiga Caalamiga ee “Somalia Investment Promotion Office” ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Madaxda Sare ee Qaranka Sida Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Shiekh Maxamuud, Ra’iisul Wasaraaha Xukuumadda Mudane Xamze Cabdj Barre, Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Maamlgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan (Beenebeene), Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dr Elmi, iyo wasiiradda Beeraha, Korontada, Guddoomiyaha Bangiga dhexe, Guddiga Maalgashiga, Maalgashadayaal heer Caalami ah, iyo Guddonka sare Rugta Ganacsiga iyo Warshaddaha Soomaaliyeed.

Shirkaani shirka Maalgashiga Caalamaiga ee Soomaaliya ayaa socday Muddo laba maalin ah waxana si rasmi ah usoo xeray Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Xamza Cabdi Barre, asaga oo sheegay in xukuumadda uu hoggaamiyo ay ka go’antahay sameynta dib-u-habeyn sharciyada dhaqaalaha iyo amniga oo fududeynaya in Soomaaliya gudaheeda ganacsi laga sameyn karo, lana abuuri karo jawi maal-gashi oo soo jiita maal-gashadayaasha Caalamka, asaga oo intaa raaciyay in la dhisay guddiga sare ee maal-gelinta shisheeye oo ah guddiga ugu sarreeya ee sameeya siyaasadaha maal-gashiga dalka, sidoo kalana uu dalku leeyahay xafiiska dhiirri gelinta maal-gashiga shisheeye oo hoos-taga Wasaaradda Qorsheynta kaas oo loo sameeyay inuu dhiirri geliyo, soo jiito, isku dubbarido, uuna taageero buuxda siiyo maal-gelinta shisheeye ee tooska ah.

 

Dhamaad

 

 

 

 

3  

Leave a Comment