Premier Bank iyo Moonlight Apartment ayaa manta magaalada Muqdisho xariga ka jaray dhismayaal casri ah oo laga hergaliyay Degmada Wadajir iyo Deegaanka Garasbaalley ee Magaalada Muqdisho. Munaasabadda oo aheed mid her sare loo soo agaasimay ayaa waxaa kaso qayb galay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka, Madaxda Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed, Guddomiyha Rugta Ganacsiga Gobolka Banaadir, iyo Bulshadda qaybaheeda kala duwan.
Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Mudane Mahamud Abdi Ali “Gabaire”, ayaa ugu horeyntii Premier Bank iyo shirkadda Future Properties ku amaanay hormarka ay caasimadda ka sameyeen, iyo maal-galinta ay dalka kusameyeen. Dhanka kale Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga, ayaa fariin udiray Ganacsatada dalka waxaana uu yiri “Waxii hadda ka danbeeyo Ganacsatada Soomaaliyeed waa in ay ujeestaan hormarinta dhanka Warshadaha, iyo wax soosarka dalka, saan uga kaaftoono alaabaha faraha badaneh ee aan dibadda kala soo dageyno.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo munaasabadda soxeray ayaa ku amaanay Premierbank doorka ay ka qaadanaayan dib-u-casriyeynta Caasimadda iyo sida ay ugu dhiiranaayan Maalgashiga dalka.
DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Xafiiska Warfaafinta Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed
somalichamberofcommerce@gmail.com,
info@somalichamber.so
@somaliacci












