XAFLADDA MAHAD CELINTA MADAXWEYNAHA IYO SOO DHAWEYNTA KU BIIRISTA SOOMAALIYA EE URURKA “EAC”

Xarunta Tiyaatarka Qaranka ayaa waxaa caawa lagu qabtay munaasabay uu Gobolka Banaadir Soo qaban qaabiyay taasi oo loogu mahad celinaayay Madax-weynaha Dalka Dr Xasan Shekh Maxamuud, laguna soo dhaweynayay ku biirista ay Soomaaliya ku biirtay Bulshadda Bariga Afrika EAC.

Munaasabaddani ayaa waxaa soo qaban-qaabiyay maamulka Gobolka Banaadir, waxana kaso qayb galay xubno ka tirsan Golaha Shacabka, Wasiiro, maamulka Rugta Ganacsiga, iyo Bulshadda qaybaheeda kala duwan. Dhamaan masuuliyiintii goobta kahadashay ayaa soodhaweeyay kana mahad celiyay shaqadda culus ee Madax-weynuhu qabtay, sidookalne aad uso dhaweyay kubiirista Bulshadda Bariga Afrika ee EAC

Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed Mudane Mahamud Abdi Ali “Gabeyre” “anaga waxaa ay inootahay maalin gaar ah ganacsatadeena, shaqadda hadda loo diyaar garoobaayo horay ayaan usii qabanay, Ganacsatada Soomaaliyeed waxa ay dagan yahiin kana shaqeystaan waddan intooda badan, balse waxaa inagu soo biirtay in aan heli doono xuriyad, in kabadan 300 oo milyan ayaan la ganacsan doonaa, kuna dhax safri doona, Soomaalidu Ganacsiga aad ayeey ugu indha furan yahiin, sidaas darteed mudane Madax-weyne waxaan ku laanahay anaga dhan waxaad qabatay shaqo aad muhiim uu ah dalka iyo dadka Habalyo ayaana kulaanahay”

DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Xafiiska Warfaafinta Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed
Adam Hassan Mohamud
somalichamberofcommerce@gmail.com,
info@somalichamber.so
@somaliacci