Guddiga Golaha Dhaqaalaha Qaranka Soomaaliyeed oo ka duulaya Hormarinta dhaqaalaha dalka ayaa waxa ay soo qaban qabiyeen munaasabad heerkeedu sareeyo loogana hadlaayay Hiigsiga Hormarka dhaqaalaha ee 2060 la rabo in lagaaro.
Munaasabadani oo aheed mid her caalami ayaa waxaa si rasimi ah u dah-furay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana sido kale ka soo qeyb-galay masuuliyiin ka tirsan goleyaasha dowladda, wakiillada beesha Caalamka iyo Ganacsato ay hor kacayaan masuulinta Rugta Ganacsiga iyo Ururrada bulshada Rayidka ah. Munaasabadda ayaa waxaa lagu soo bandhigay qorsheyaasha muddaysan ee horyaalla shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, ee larabo in wadajir loo hiigsado.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa khudbad uu ka jeediyey munaasabadda waxa uu sharraxay caqabadaha soo laalaabtay ee dib dhigay nolasha dadka Soomaaliyeed oo ay ugu horreyaan colaadaha, amni darrada, abaaraha iyo fatahaadaha isdaba jooga, waxa uuna sheegay in uu muhiim yahay hiigsigan oo isku xiraya jiilasha maanta iyo kuwa mustaqbalka. “Maanta, waxaan bilaabaynaa safar cusub, safar u horseedaya dalkeenna barwaaqo iyo horumar. Hiigsiga Qarn ee 2060-ka waxa uu muujinayaa sida ay nooga go’an tahay in aan ka gudubno caqabadaha hadda jira, annagoo aasaas adag u abuurayna jiilasha soo socda”.
Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed Mudane Mahamud Abdi Ali “Gabeyre” oo kamid ah masuuliyiinta goobta ka hadashay ayaa soo dhaweyay qorshaha hiigsiga Qaranka ee 2060ka, waxana uu tilmaahay in uu muhiim uyahay hormarinta dhaqaalaha wax soo saarka dalka iyo ganacisga.













