Xaflad lagu weyneynaayay saxiixa Heshiiska Dhismaha Dekadda Hobyo, ayaa lagu qabtay Magaaladda Muqdishu, waxaana kaso qayb galay Madax-weynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Wasiiro iskug jira heer Federal iyo heer Dowlad Goboleed, sidoo kale Xildhibaano heer Federal iyo heer dowlad Goboleed, Siyaasiyiin kala duwan, iyo Masuuliyiin kamid ah shirkadaha Hobyo Investment iyo Metagholding oo ah shirkadaha heshiiska kala saxiixday, iyo Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed, iyo Marti sharafkale.
Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed Mudane Mahamud Abdi Ali “Gabeyre” ayaa u hambalyey shirkadaha Hobyo Investment iyo Metagholding, “Ganacsatada dalka waxaa ay manta soo gaareen heer ay maalgallin ku sameyaan Dakado, Garoomo diyaaradeed, waana hormar weyn oo uso hoyday umadda Soomaaliyeed.”
Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye oo soo xiray Xaflada saxiixa heshiiska Dhismaha Dekadda Hobyo, ayaa madasha ka sheegay in dhismaha Dekadda Hobyo, riyo muddo dheer ay ku taamayeen reer Galmudug ay tahay, isagoo sheegay in dowladdiisa ay ka go’an tahay dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha.




















