afur sanadeedkii 2aad ee ururka Bangiyada Soomaaliyeed, oo lagu qabtay Magaalada Muqdisho Hotel Jaziira.

Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed mudane Mxamuud Cabdikariin “Gabeyre”, Gudoomiye Ku-xigeenka mudane Cabdiraxmaan Cabdullaahi Aadam “Galambe” iyo qaar kamid ah qeybaha kala duwan ee ganacsatada ayaa ka qayb galay afur sanadeedkii 2aad ee ururka Bangiyada Soomaaliyeed, oo lagu qabtay Magaalada Muqdisho Hotel Jaziira.

Kulankani oo ahaa mid heer sare looso agaasimay ayaa waxaa sidookale kasoo qayb galay xubno sar-sare oo katirsan barlamaanka iyo golaha wasiiradda: qorsheynta, maaliyadda, gancsiga iyo isgaarsiinta oo uu hogaaminayo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ee XFS mudane Saalax Axmed Jamaac, Gudoomiyaha Banggiga dhaxe.

Dhamaan masuuliyinta ayaa bogaadiyay adeegyada maaliyadeed ee ay banggiyaddu dalka gaarsiyeen iyo midowga ay sameeyeenba. Dhanka kale Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Mudane “Gabeyre” ayaa guud ahaan ganacsatadda ugu baaqay in ay midowbaan sida bangiyadda oo kale. Waxaa uuna bogaadiyay agaasimaha cusub ee shirkadda Dahabshiil Bank oo sameysay kulanka afurka ah.

 

 

@Kunciil Hassan Mohamud

 

Leave a Comment