XARIG JARKA FARACA 3-AAD EE SUUQA XAYAAT MALL

Munaasabad xariga looga jaraayay Suuqa Xayaat Mall faraca 3-aad oo laga hergeliyay Isgoyska Jubba qeybta dhacda Degmada Boondheere ee Magaalada Muqdisho, ayaa waxaa wada jir ugu soo qayb galay Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka XFS Mudane Saalax Axmed Jaamac, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta mudane Ahmed Moallim Fiqi, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale), iyo Ganasato ay hogaaminayaan Gudoomiye ku xigeenka Rugta Ganacsiga Mudane Cabdiraxman Cabdullahi Adam “Galambe” Guddomiyaha Rugta Ganacsiga Gobolka Banaadir Mudane Axmed Cabdulahi “Shariif caro”, Guddomiyaha Suuq Bacaad, Culuma’udiin, Siyaasiyiin, Haweenka iyo Qeybaha kala gedisan ee Bulshada iyo marti sharaf kale.

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka ayaa ku ammaanay ganacsatada hirgelisay suuqan kaalinta muhiimka ah ee ay ka qaadanayaan horumarka iyo dib-u-dhiska dalka, maadama Xayaat Mall faraceedi 3-aad kaher galiyen magaalada Mogadishu, waxaana uu ugu baaqay ganacsatada in ay wax soosarka dalka dhiri galiyaan.

Gudoomiye ku xigeenka Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed Mudane Cabdiraxman Cabdullahi Adam “Galambe” oo kamid ah masuuliynta goobta kahadashay ayaa bogaadiyay hormarka ganacsatada dalku ay marba marka kadanbeyso ku talab-sanaayaan, asaga oo kula dar daarmay in ay ganacsatadu gacmaha isqabsadaan si ay ula jaan qadan hormarka caalamka.Waxaana uu sii raaciyay in ay horumar weyn utahay umadda soomaaliyeed gaar ahaan shacabka kudhaqan Dagmoyinka Bondhere, Shibis, iyo Dagmada Cabdicasis oo daris uu layahay Suuqa Xayaat Mall faraca 3-aad, madaama marki hore uu aad kaga fogaay.

 

===Dhamaad===

 

 

   

Leave a Comment