KATASHIGA QORSHAHA ISBEDDELKA QARAN

Guddomiye ku-xigeenka Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed Mudane Cabdiraxman Cabdullahi Adam “Galambe” oo ay wehliyaan, Xoghayaha Guud ee Rugta Ganacsiga ahna Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Jubaland Mudane Xuseen Raabi Kaahin, Guddomiyha Rugta Ganacsiga Gobolka Banaadir, Mudane Axmed Cabdullahi Xasan “Shariif” iyo Agaasime Ku-xigeenka Rugta Ganacsiga Prof Ciise M Xalane ayaa ka qayb shir wada-tashi ah oo loogga hadlaayey Qorshaha Isbeddelka Qaran ee ay wado Xukuumadda uu hoggaamiyo Ra’iisal Wasaare Hamza Abdi Barre.

Shirkaan ayaa kadhacay xarunta Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha, waxaana shir gudoominayay, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Ganacsiga XFS Xildhibaan Osman Mohamed Abdi (Daallo), waxaana kaso qayb galay xubno sare sare oo ka socday xafiiska Ra’iisal Wasaaraha XFS, Agaasimeyaasha Wasaaradda Ganacsiga, iyo masuuliyiinta Rugta Ganacsiga.

Shirkaan ayaa waxaa diiradda lagu saaray doorka muhiimka ah ee ganacsiyada gaarka ah ay ka qaadan karaan hirgelinta barnaamijkan, Qorshaha Isbeddelka Qaran, maadaama ay kaalin muhiim ah kaga jiraan horumarka iyo kobaca dhaqaalaha ee dalka. Masuuliyiinta Rugta Ganacsiga ayaa so dhaweyay hergalinta Qorshaha Isbeddelka Qaran.

DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Xafiiska Warfaafinta Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed
Adam Hassan Mohamud
somalichamberofcommerce@gmail.com,
info@somalichamber.so
https://somalichamber.so/
Facebook:https://lnkd.in/eqWvWFUb
@somaliacci
https://lnkd.in/eNmXCiXD
https://lnkd.in/eKwPsET5
https://lnkd.in/dMdjn3Y