HAY’ADDA MAARAYNTA MUSIIBOOYINKA QARANKA SOOMAALIYEED OO KULAN LA QAADATAY RUGTA GANACSIGA.

Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed oo uu hogaaminayo Guddoomiyaha Hay’adda, Mudane Maxamuud Macalin ayaa kulan la qaatay Ganacsato ay hogaaminayaan Mamulka sare ee Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed, kulanka ayaa waxaa diiradda lagu saaray ka hortaga musiibooyinka dhicikara sanadkaan, taasi oo ku timid daraasad lagu odorosay.

Ugu horeyntii Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed ayaa warbixin sanadeedkii hore ku saabsan iyo odoroska sanadkaan ka horjeedisay masuuliyiinta kulanka kaso qayb galay.

Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed Mudane Maxamuud Cabdi Cali “Gabeyre” ayaa ka hadlay kahor inta aanan layag leelin Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed, asaga oo tusay in abaabulka Rugta Ganacsiga uu ahay u-dub dhaxaadka iyo garbaha lagu harsanayay laguna taaku leynaayay deegankasta oo katirsan dhulka soomaaliya, waxaa uuna sii raaciyay in ay Rugta Ganacsigu ka qayb qatay abaabulkii Musiibadii kadhacday dalka Turkiga.

Sidoo kale waxaa Goobta ka hadlay Guddomiyeyaasha Rugaha Ganacsiga Dowlad Goboledyada dalka, sida Guddomiyha Rugta Ganacsiga Gobolka Banaadir, Jubaland, Galmudug, Hirshabele, iyo Rugta Ganacsiga Konfur-galbeed, Waxda Bangiyadda, Dhoofka iyo Soodajinta, iyo Ganacsatada Gaadiidleyda, kuwaasi oo dhamaantood ka xog hadlay musiibooyinka guud ee dalka iminka kajira.

Ugu dambeyntii masuuliyiintii kulnaka soo qayb galayshay ayaa soo dhaween baaqii Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed, balan qaadayna in ay ka qayb qadanayaan barnaamijka ay soo bandhigtay Hay’addu.

DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Xafiiska Warfaafinta Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed
Adam Hassan Mohamud
somalichamberofcommerce@gmail.com,
info@somalichamber.so
@somaliacci