Xaflad lagu daah-furaayay shirkadda Makita oo mataan la ah shirkadda RedSea General, ayaa lagu qabtay Magaalada Muqdishu, waxaana kaso qayb galay, xubno katirsan labada gole ee Barlamaanka Soomaaliya, Agaasimayaal Guud, iyo Ganacsato uu hogaaminaayo Guddoomiye Ku-xigeenka Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed.
Guddoomiyaha Shirkadda RedSea General oo kulanka furay ayaa ugu horeynti ka war bixiyay Shirkadda Makita “Makita waa shirkad laga leeyahay dalka Jabaan, waxana ay xarumo kukala leedahay dacalada dunida, waana shirkad jirta in kabadan 100sano, Shirkaddan ayaa waxaa ay lama taneysan tahay shirkadda Red Sea General.”
Guddoomiye Ku-xigeenka Rugta Ganacsiga Mudane Abdirahman Abdullahi Adam “Galambi” “Shirkadda Makita waa shirkad shaqa abuur ah, waxana ay kor uqadeysa hal abuurka shaqada, waxana ay caawineysa dhalin yarada ka shaqeysa dhismayasha dalka. Rugta Ganacsiga waxaa ay utahay faxad waana ay dhiiri galineysa shirkadaha nucan ah ee kor uqaadayo hal abuurka shaqaaley-siinta dhalin yarada dalka.”
DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Xafiiska Warfaafinta Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed
Adam Hassan Mohamud
somalichamberofcommerce@gmail.com,
info@somalichamber.so
@somaliacci