DAAH-FURAY HIIGSIGA QARAN EE 2060
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa daahfuray Hiigsiga Qaran ee 2060, waxaana munaasabadda daah-furka kaso qeyb galay qaar kamida Xildhibaanada Golaha labada aqal, qaar kamid ah Golaha Wasiiradda oo uu hogaaminaayo Ra’iisul Wasaaraha XJF Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, Safiirada Dalaka Turkya, Talyaaniga, Safiirka Midowga Yurub, iyo sii-hayaha ahna ku xigeenka Safiirka Mareykanka, Agaasimaha Bangiga Adduunka ee dalalka Kenya, Rwanda, Soomaaliya, iyo Uganda, Wasiirka Maaliyadda Jabbuuti, iyo Ganacsato uu hogaaminaayo Guddomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed Mudane Maxamuud Cabdi Cali “Gabayre” iyo bulshada Rayadka ah.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa sheegay in Soomaaliya ay cagta saartay wadadii horumarka iyo guusha “Waxaan maanta dooranay inaan ka gudubno niyad-jabka, una jeesanno hal-abuur iyo wax-wadaqabsi. Aragtidani waa buundo u dhexeysa maanta iyo berri, dhaxalka aan maanta ka tagayno iyo dheefta barri”. Ra’iisul Wasaare Xamsa” Xukuumadda, ganacsatada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, dhammaanteen waxaan ka wada shaqeyn doonaa gaarista hiigsiga 2060, inaga oo ka bilaabeyna Qorshaha NTP”.
Guddomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed Mudane “Gabayre” ayaa sheegay in Ganacsatada Soomaaliyeed in ay lajaan qaadikaraan Hiigsiga Qaran, iyaga oo maal-gelin ku sameynaayo Warshadaha, wax-soo saarka Beeraha iyo Kaluumeysiga si ay gacan uga geystaan xaqiijinta yoolalka la hiigsanaayo 2060-ka