Agaasimaha Guud ee Rugta Ganacsiga iyo Warshaddaha Soomaaliyeed mudane Cabdi Abshir Dhorre ayaa ka qayb galay kulan ay soo qaban qaabisay hey’adda shaqaalaha adunka ee ILO, Kulankaani oo ahaay mid sadax geesood ah ayaa waxaa looga doodday Qodobka 38, kaasi oo kaso horjeeda shaqaaleynsiinta Caruurta,
Agaasimaha Rugta Ganacsiga mudane Dhorre oo dooda qeyb ka ahaay ayaa ku dooday in ay jiraan hooyo Soomaaliyeed oo dadeedu ay ka tahay 15jir iyo 14jir agoon ah cid umaqanne aysan jirin. Asaga oo carabka ku adkeeyay in lagu laabto sharciyadda, dastuurka dalka si la isku waa fajiyo sharciyadda caalamiga ah.


