DAAHFURKA SOMQR CODE

Bangiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa so bandhigay SOMQR CODE, kaasi oo ah mid isku furaayo dhamaan bangiyadda dalka, oo ay ku mideysan yahiin ilaa 13 Bangi. Munaasabadda lagu shaacinayay Hanaanka Qaran ee SOMQR, ayaa waxa kaso qaby galay xildhibaano, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda  Maaliyadda XFS, Midowga Bangiyada, iyo Ganacsato ay hogaamineyso Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed Mudane Mahamud Abdi Ali “Gabeyre” oo kamid ah ayaa ugu horeynti soodhaweyay shaqadda culus ee bangiga dhaxe uu kutalaab saday waxa uuna sheegay “intaas kadib waxaan bangiyadeena ku amanayaa mesha ay kaso bilaben, run ahaanti xawalad ayaa laga so bilaabay, ayadi ayaa muddo kabacdi isku badashay bangi, ilaa 13 bangi ayeey garayaan, run ahaanti wa aan ku dhibaneen in aan ganacsatadeenu ay mid waliba account kasameystan, waayo in aad qaar katagdid marabtid, in aad wada furatana waa dhibadan tahay, marka in manta lasa meeyay hal meel oo ay ku mideysan yahiin waa guul”

 

DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Adam Hassan Mohamud
somalichamberofcommerce@gmail.com
Xafiiska Warfaafinta Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed
Twitter: @somaliacci

 

  

Leave a Comment