Machadka Cilmi Baarista ee 7 Inistitute ayaa magaalada Muqdishu ku qabtay dood cilmiyeed ku aadan Canshuuraha. Doodaani ayaa waxaa iskugu yimid dhinacyada Canshuruhu ay tooska u saameeyaan, sida Agaasimaha Guud ee Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed, Agaasimaha Guud ee Dakhliyada Wasaaradda Maaliyadda, iyo Cilmi baarayaal.
Agaasimaha Guud ee Rugta Ganacsiga Mudane Abdi Abshir Dorre, ayaa sheegay in Ganacsatadu aysan Canshuurta diideeynin, ayna ahaayeen kuwa Canshuur bixiyaal ah, balse hadda waxa dhibatada keenay waa in aanan xog laga heynin, aanan loo diyaarsaneen, Dowladuna waqti iyo Cilmi Baaris ku filan aysan sameyn.
Guddomiyha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed Mudane Mahamud Abdi Ali “Gabaire” oo kalmad dhaxal gal ah ka jeediyay kulankan ayaa sharaxaad guud ka bixiyay Canshuraha dalku uu lahaan jiray “Waagi hore Canshuuruhu waxa ay ahaan jireen lix qeybood oo Canshuuraha beriga ah, kuwasi oo iskugu jiray kuwa toosan iyo kuwa dadban iyo canshurta customka”. Sido kale Guddomiye Gabeyre ayaa carabka ku dhuftay in loo bahan yahay in ay Ganacsatada iyo Dowladu ay tahay in ay wada shaqeeyaan, oo Ganacsatada lala tashado.
DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Xafiiska Warfaafinta Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed
Adam Hassan Mohamud
somalichamberofcommerce@gmail.com,
info@somalichamber.so
@somaliacci















