BANDHIGGA GANACSIGA SOOMAALIYEED SANADKIISA 4AAD EE SOMALIA TRADE SHOW

Somalia Trade Show ayaa sanadkii 4aad waxaa ay qabatay Bandhiga Ganacsiga, waxaana kaso qayb galay Wasiirka wasaaradda dhallinyarada iyo cayaaraha Xildhibaan Maxamed Barre Maxamuud, Wasiiru dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta mudane Sadad Caliyow, Guddoomiye ku-xigeenka Maamulka iyo maaliyda Gobalka Banaadir Mudane Ciise Guure, Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed Mudane Maxamuud Cabdi Cali “Gabayre” iyo Ganacsatada qaybaheeda kala duwan.

Dhamaan masuuliyiinta kaso qayb gashay ayaa soo dhaweeyay Bandhiga, waxaa ayna amaan iyo bogaadin udireen madaxda Somalia Trade Show kuwaasi oo ku dhabar adeegay hergalinta iyo joogteenta Bandhig Carweedka Ganacsiga oo ay qabteen Sanadkii 4aad.

Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Mudane “Gabayre” oo kamid ah masuuliyiinta goobta ka hadashay ayaa yiri “Bandhigaani waxa uu fursad u-yahay qof kasta ee kasoo qayb gala, waa madal ay ku kulmeen ganacstada iyo macaamiishooda. Waan uga mahadcelineynaa Somalia Trade Show Bandhiga Ganacsigga Soomaaliyeed, in meelo kabalaaran lagu qabtana waan rajeeynayaa sida carwadii dalka”.

 

DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Xafiiska Warfaafinta Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed
Adam Hassan Mohamud
somalichamberofcommerce@gmail.com,
info@somalichamber.so
@somaliacci