WAAXAHA RUGTA GANACSIGA OO KULAN LAQAATAY XUBIN KA TIRSAN AQALKA WAKIILLADA GOBOLKA MINNESOTA EE DALKA MAREYKANKA.

Qayba kamid ah waaxaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed oo uu hogaaminayo Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Mudane Maxamuud Cabdi Cali “Gabayre” ayaa la kulmay Xildhibaanad Hodan Xasan oo ka tirsan Aqalka Wakiillada Gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka oo ay wehlineysay Xildhibaanad Cayni oo kamid ah Barlamaanka Soomaalliya.

Waxaana kulanka soo qaban qaabsay marwo Amiina Deble oo ah xubinta katirsan Rugta Ganacsiga una qaabilsan arimaha Mareykanka, waxaana diiradda lagu saray hormarinta Ganacsiga is dhaxgalka labada dal, iskashiga, maalgashiga, sara uqaadida dhoofka, iyo soo dajinta. Sodoo kale Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Mudane “Gabayre” ayaa kawar bixiyay fursadaha maalgashiga ee kajira dalka.
Gaba-gabadii waxaa kulanka soo xertay Xildhibaanad Hodan Xasan ayada oo tilmaantay hormarka Ganacsiga Soomaaliyeed in uu yahay mid kubaahay dunida hadana ay kala shaqeyn doonto isku xerka Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed iyo Ganacsatada Minnesota ee dalka Mareykanka.

 

DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Xafiiska Warfaafinta Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed
Adam Hassan Mohamud
somalichamberofcommerce@gmail.com,
info@somalichamber.so
@somaliacci