BANDHIGGA GUULEYSTAYAASHA SOOMAALIYEED

Waxaa hoolka sahal ee magaaladda muqdisho ka furmay Bandhigga Guuleystayaasha Soomaaliyeed, bandhigaani ayaa waxaa soo qaban qaabiyay shirkadda hormuud telecom Soomaaliya, bandhigaani ayaa ahay mid lagu talagalay in lagu dhiirrigeliyo ganacsatada Soomaaliyeed, ee adeegyada muhiimka ah u haya bulshadeenna, iyo in lagu dhiirrigelinayo ganacsatada iyo iskaashatooyinka Soomaaliyeed ee u taagan in ay bulshadeenna wax ay cunaan uga soo saaraan beeraha, xoolaha iyo badda.

Bandhigaani ayaa waxaa kasoo qayb galay qaar kamid ah Golaha wasiiradda XFS oo uu hogaaminaayo Rai’sul wasaaraha Dalka Mudan Xamza Cabdi Barre, Ganacsato ay hormuud utahay Rugta Ganacsiga, iyo Bulsha weynta Soomaaliyeed qaybaheeda kala duwn.

Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed Mudane Maxamuud Cabdi Cali “Gabayre” oo kamid ah masuuliyiintii goobta ka hadashay ayaa yiri “Shirkadda Hormuud waxa ay indho u tahay bulshada. Waxaan ku ammaanaynaa sida ay bulshadeenna ugu gurmato xilliyada adag oo fatahaadaha, abaaraha, iyo musiibooyinku dhacaan. Waxaan ku bogaadinaynaa in ay sannadkaanna dhiirrigelinayaan wax-soo-saarka Dalka. Soomaaliya waa dal hodan ah. Waxaana rajaynaynaa in uu shirkaan fure u noqdo Soomaali isku filan, oo is quudiso.”

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo khudbad dhinacya fara badan taabaneysa munaasabadda ka jeediyay ayaa adkeeyey in awood-siinta ganacsatada Soomaaliyeed iyo xaqiijinta suuqyo loo iib geeyo wax-soo-saarka dalkeenna ay kor u qaadeyso dhaqaalaha iyo horumarka dalka, isagoo xusay in Dhaqaalaha dalka uu ku horumari karo kaliya suuqa oo noqda mid xor ah iyo ganacsiga gaarka loo leeyahay oo la tayeeyo.

 

DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Xafiiska Warfaafinta Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed
Adam Hassan Mohamud
somalichamberofcommerce@gmail.com,
info@somalichamber.so
@somaliacci

#Waxsoosaar #BGS23 #GuulSoomaaliyeed