SHIR WEYNAHA HAWEENKA GANACSATADA SOOMAALIYEED.

Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed Mudane Maxamud Cabdi Cali (Gabeyre) oo ay wehliyaan qaarkamid ah Ganacsatadda dalka ayaa ka qayb galay Shir Weynaha Haweenka Ganacsatada Soomaaliyeed, oo ay soo qaban qabiyeen SOMALI WOMAN IN BUSINESS. SWIB FORUM. Kulankaani oo ahaay mid heer sare looso agaasimay ayaa waxaa ka qayb galay xubno kasocday xildhibaanadda labada aqal, Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dr Cilmi Maxamed Nuur, Haween kala duwan, Ganacsato iyo maamulka Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed.

 

Wasiirka Maaliyadda Jamhuuriyadda Federaal Soomaaliya, Dr. Cilmi Maxamed Nuur oo kasoo qeyb galay Shir Weynahah Haweenka Ganacsatada Soomaaliyeed ayaa yiri, “Waa ii farxad inaa kasoo qayb galo Shir weynahan. Haweenka Soomaalida waxaa loo aqoonsan yahay inay yihiin dadka ugu adkeysiga badan, waxayna laf dhabar u ahaayeen jiritaanka dhaqankeena, waxayna muujiyeen sida ay u ilaaliyeen bulshadeena iyo qoysaskeenna. Waxaana ku bogaadinayaa habaleheen in ay kordhiyan barashada xirfadaha gacanta.”

 

Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Mudane (Gabeyre) ayaa xusay sida haweenka ay uga wanagsan yihiin ragga marka loo eego horumarinta dhaqaalaha, isla markaana ay mansabyo sare ka hayaan ganacsiga dalka “Rugta Ganacsiga waxay si dhow ula shaqaynaysaa hay’adda UNIDA si kor loogu qaado tayada haweenka ganacsiga kujira, Rugta Ganacsiga mar waliba waxa ay diyaar u ahay in ay haweenka Soomaaliyeed ka taageero ganacsigooda dhinac walba oo nolosha ah.”

DHAMAAD.

 

 

BANDHIGA GANACSIGA SOOMALIYEED SANADKA 3AAD

Bandhiga Ganacsiga Soomaaliyeed Sanadkiisi 3aad ayaa si rasmi ah loo soo gaba gabeeyay magaladda Mogadisho gar ahaan Elite Hotel oo uu kasocday laba maalin, Bandhig Carwedkaani Ganacsi ayaa waxaa wada jir iskaga kaashaday Somali Trade Show iyo Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed.   Bandhigaani ayaa waxaa kaso qayb galay Xildhibaano, Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Mudane Abdisalam Sharif Hussein, Guddomiyaha Rugta Ganacsiga Mudane Maxamud Abdi Ali “Gabeyre” Gudomiye ku-xigeeka Rugta Ganacsiga Mudane Abdirahman Abdullhi Adam “Galambi” Gudomiyaha Rugta Ganacsiga Gobolka Banaadir Mudane Ahmed Abdullahi “Shariif Carro” iyo Ganacsatada qaybaheeda kala duwn, oo ay ugu horeeyan Bangiyada, Shirkadaha, iyo Ganasiga yar yar.   Masuuliyinta Bandhiga kaso qayb qashaya ayaa mid mid u dul istaagay dhamaan ganacsiyadii halkas lagu soobandhigay, waxana ay aad u bogaadiyeen kaso qayb galayaasha Bandhiga iyo agabab yada ay shirkaduhu soobandhigeen. Waxana Bandhiga ka hadlay Masuliyiin uu kujiro Xildhibaan Abdirahman Odaway iyo Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Ganacsiga Mudane Abdisalam Sharif Hussein iyo masuuliyiinkale oo fara badan, Guddomiyaha Rugta Ganacsiga Mudane “Gabeyre” oo kamid ah masuuliyiintii goobta kadalay ayaa bogaadiyay guud ahaan Ganacsatada kaso qayb gashay gar ahaan qaban qaabiyaasha Bandhiga Ganacsiga Soomaaliyeed Somali Trade Show iyo Rugta Ganacsiga Mudane Gabeyre ayaa yiri “Mudane Wasiira iyo Xildhibaanada waxaan idinka codsaneyanaa in Carwadii Qaranka in howl galiyo anaga diyaar ayaan unahay inaan dhismaheeda dhamestirno, meel fican ayeeyna kutaala oo waliba dhul weyn ah”. Dhamaad        

Xafladda xarig jarka Dekedda Garacad.

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta si rasmi ah xarigga uga jaray dhismaha dekedda Garacad ee gobolka Mudug. Munaasabadaani oo aheed mid heer sare loso agasimay ayaa waxa lagu qabtay gudaha dakadda garacad waxaana kaso qayb galay, Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Puntland Saciid Deni, Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida Mustaf Cagjar, Madaxweynaha … Read more

Gudonka sare ee Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed ayaa ka qayb galay shir looga arin sanaayay is weydaarsiga ganacsiga “Trade Export”.

Shirkaani oo ahaay mid looga qayb qadanaayay aaladda fogaan araga ee Zoomka, ayaa waxa kaso qayb galay Safiirka dalka Indonesia, qunsul shara feedka ufadhiyo soomaaliya ee Indonesia, xubno ka soda wasaradaha Arimaha dibada iyo ganacsiga labada dal, uqaabil sana yaasha ganasiga safaaradaha, iyo Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaliyeed iyo Rugta ganacsiga Indonesia. Kulankaani ayaa waxaa … Read more

Kulan isbarasho iyo isxog wareysi ah oo dhax maray masuliyiinta Rugta Ganacsiga iyo masuuliyiinta Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed.

Qaar kamid ah Ganacsatadda Dalka oo uhogaaminaayo Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed Mudane Maxamuud Cabdi Cali “Gabeyre” iyo ku xigeenadisa ayaa kulan isbarasha ah laqaatay masuuliyiinta Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed uhogaaminaayo Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Xildhibaan Hon Jibril Abdirashid Haji oo ay weheliyaan Wasiiru-dawlaha mudane Abdisalam Sharif Hussein, Wasiir ku xigeenka Xildhibaan Hon Osman … Read more