Gudonka sare ee Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed ayaa ka qayb galay shir looga arin sanaayay is weydaarsiga ganacsiga “Trade Export”.

Shirkaani oo ahaay mid looga qayb qadanaayay aaladda fogaan araga ee Zoomka, ayaa waxa kaso qayb galay Safiirka dalka Indonesia, qunsul shara feedka ufadhiyo soomaaliya ee Indonesia, xubno ka soda wasaradaha Arimaha dibada iyo ganacsiga labada dal, uqaabil sana yaasha ganasiga safaaradaha, iyo Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaliyeed iyo Rugta ganacsiga Indonesia.

Kulankaani ayaa waxaa soo’abaabuley safaarada Indonesia ee bariga Afrika iyo qunsul sharafeedka Indonesia u fadhiyo Dalka Soomaaliya Mudane Ismaaciil Abdullahi Siyaad “Gooni” waxaana looga wada hadlay arimo dhowr ah oo ay kamid yahiin hormarinta ganacsiga dalka, fududenta dal ku galka labada wadan, maalgashiga, iyo arimo laxariiro howlaha ganacsiga.

 Dhanka kale masuuliyinta safaafadda Indonesia ayaa ganacsatada la wadaagay https://www.tradexpoindonesia.com/en kaani oo ay iska diwan galin karan si logu fududeeyo helidda dalku galka Indonesia.

 

Dhamaad.

 

 

    

Kulan isbarasho iyo isxog wareysi ah oo dhax maray masuliyiinta Rugta Ganacsiga iyo masuuliyiinta Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed.

Qaar kamid ah Ganacsatadda Dalka oo uhogaaminaayo Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed Mudane Maxamuud Cabdi Cali “Gabeyre” iyo ku xigeenadisa ayaa kulan isbarasha ah laqaatay masuuliyiinta Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed uhogaaminaayo Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Xildhibaan Hon Jibril Abdirashid Haji oo ay weheliyaan Wasiiru-dawlaha mudane Abdisalam Sharif Hussein, Wasiir ku xigeenka Xildhibaan Hon Osman Mohamed Abdi iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda Abdiaziz Ibrahim Adan ,

Kulanka ayaa ahay mid isbarasho iyo isxog wareysi ah waxana looga wada hadlay caqabadaha heysta guud ahaan ganacsiga dalka iyo sida looga bixi lahaay dhibatoyinka dhanka ganacsiga, dhanka kale mamulka Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed ayaa halkas ku gudbiyay warqad ay ku cadey nayaan caqabadaha heysta ganacsiga soomaaliya oo ay tahay in wax laga qabto.