Somali Chamber of Commerce and Industry

SHIR WAYNAHA AQOONSIGA QARANKA

Waxaa magaaladda Mogadishu laga daah furay qaadashada Kaarka Aqoonsiga iyo Diiwaan-gelinta Dadweynaha, oo lagu beegay maalinta Caalamiga ah ee Aqoonsiga Dadweynaha16 Sebtembar. Munaasabaddani oo aheed mid her caalami ah ayaa waxaa daah furay Ra’iisul Wasaaraha XJF Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre. Kaarkaani ayaa hadii uu howl galo waxa uu fa,ido weyn uyahay dhamaan shacabka soomaaliyeed.

 

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda oo ka hadlayey munaasabadda daah-furka barnaamijka diiwangelinta iyo Aqoonsiga dadweynaha, ayaa hoosta ka xariiqay in hannaankani uu ka tarjumayo dowladnimada casriga ah ee dalkeenna ka hana-qaaday, isagoo u mahadceliyey Dowladda Pakistan oo gacan weyn ka geysatay iyo hey’adaha kala ah Bangiga Adduunka iyo UNDP.

Shir waynaha Aqoonsiga Qaranka oo socday muddo laba maalin ah ayaa waxaa manta so xeray Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), waxaana uu Shacabka Soomaaliyeed u sheegay in aqoonsiga qaran uu xal u yahay caqabado badan oo haysta bulshada dhexdeeda, kuwaasi oo ay ka mid yihiin, xaqiijinta iyo damaanad qaadka amniga, bixinta adeegyada, shirkadaha, arrimaha doorashooyinka dalka, maalgashiga, iyo  muwaadiniinta Soomaaliyeed si damaanad leh ay adduunka ugu safri karaan.

 

DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Xafiiska Warfaafinta Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed
Adam Hassan Mohamud
somalichamberofcommerce@gmail.com, info@somalichamber.so
@somaliacci

GANACSATADA DHOOFKA IYO SOODAJINTA OO KULAN KU YEESHAY XAFIISKA RUGTA GANACSIGE EE DAKADDA MUQADISHO.

Masuuliyiinta Dhoofka iyo Soodajinta dalka oo cabasho ka ah shirkadaha leenariska ayaa xafiiska dakadda Muqadishu ee Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed, kula shir maamulka dakadda, oo u hogaaminayaan, Wasiirka Wasaaradda Dakadaha, Mareeyaha Dakadda, iyo Madaxa Canshuuraka Dakadda Moqadisho, iyo madaxada Rugta Ganacsiga Rugta Ganacsiga.

Ganacsatadda ayaa lawadaagay madaxada, guud ahaan dhibaatooyinka ka heesta dakadda, oo ay kamid yahiin shirkadaha leenareska, ayna tahay in wax laga qabto. Ugu danbeynti Wasiirka Wasaaradda Dakadaha, Madaxa Canshuuraha dakadda iyo Madaxda Rugta Ganacsiga ayaa sheegay in ay wadajir wax uga qaban doonan hadane ay ku howlayahiin.

DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Xafiiska Warfaafinta Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed
somalichamberofcommerce@gmail.com, info@somalichamber.so

SHIRKADAHA DHOOFKA IYO SOODAJINTA OO CABASHO KA MUUJIYAY SHIRKADAHA LEENARISKA AYAA SHIR KU YEESHAY XARUNTA RUGTA GANACSIGA.

Qeyba kamid ah Masuuliyiinta Dhoofka iyo Soodajinta Dalka oo cabasho ka ah shirkadaha leenarska ayaa manta kulankoodi labaad iskugu imaaday xarunta Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed, waxana ay kulan mira dhal ah la qaateen masuuliyinta Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed oo uu hogaaminayo Guddoomiyaha Rugta Mudane Maxamuud Cabdi Cali “Gabayre”.

Masuuliyiinta Rugta Ganacsiga ayaa dhageystay dhamaan dhibaatooyinka ay ganacatadu kacabanayaan waxana ay ugu danbeynti kaso sareen warsaxaafadeed ay udireen shirkadaha leenareska iyo cidwaliba oo dhibato ku ah howl laha ganacsatada dalka.

DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Xafiiska Warfaafinta Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed
somalichamberofcommerce@gmail.com, info@somalichamber.so

XARUNTA RUGTA GNACSIGA IYO WARSHADAHA SOOMAALIYEED OO LAGU QABTAY KULAN WADA TASHI

Ganacsatadda Soodajinta iyo Dhoofinta, ayaa xarunta Rugta Gancsiga kulan loga arin sanaayay sharciyadda hubinta dukumintiyadda, iyo shahaadooyinka dhoofka iyo soodajinta, kula yeeshay Hey,adda taya dhowrka Soomaaliyeed “Somali Bureau of Standards: (SoBS).

Kulanka ayaa waxaa ganacsatadda ku matalaayay Xubno katirsan Ganacsatadda Dhofka iyo Soodajinta oo ay hogaaminayaan masuliyiinta Rugta Gnacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed iyo Rugta Gnacsiga Gobolka Banaaidir, halka Hey,adda taya dhowrka Soomaaliyeed ay ku matalayeen Gudoomiyaha Maamulka Ee Hay’adda Muqtaar Maxamed Yuusuf , Maareeyaha Hay’adda Marwo Haawo Ahmed Hassan, Mareeye ku xigeenka hay’adda Marwo Suuban Abdi Nur Gaas. Ugu danbeyti labada dhinac ayaa ku balamay kulamo dhereeri ah in ay sameeyaan.

 

DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Xafiiska Warfaafinta Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed
Mr. Adam Hassan Mohamud
somalichamberofcommerce@gmail.com, info@somalichamber.so
Twitter: @somaliacci

 

 

 

GUDDOOMIYAHA RUGTA GANACSIGA IYO WARSHADAHA SOOMAALIYEED OO SAFAR SHAQO KU TAGAY BELGRADE,

Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed Mudane Maxamuud Cabdi Cali “Gabayre” oo uu wehliyo Ismaaciil Cabdullahi Siyaad “Gooni” ayaa safar shaqo ku tagay Belgrade, ka dib markii ay casuumaadda rasmi ah ka heleen Dowladda Serbia. Mudane “Gabayre” iyo wafdigii uu hogaaminayay ayaa lakulmay  Madaxa Rugta Ganacsiga Serbia iyo qaar ka mid ah shirkadaha ganacsiga ee dalka Serbiya kuwaas oo ay kamid yihiin Shirkadaha kala ah, Shirkadda weyn ee ganacsiga Beeraha, kaluumeysiga ee ITN Group LTD, Shirkadda YUMIS NIS, Shirkadda Tiknoolajiyadda ee Vlatacom, Shirkadda Thorn ZUMTOBREL Lighting ee ileyska iyo Qalabka Korantadda iyo Soolarka ee Barigga Yurub. Shirkadaha uu la kulmay Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga ayaa ah shirkadaha Ganacsi ee ugu waawey dalalka Barigga Yurub.

Sidoo Gudoomiye “Gabeyre” ayaa la kulmay dhigiisa Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Serbia, iyo Ku-xigeenkiisa Mudane Marko Čadež iyo Milovan Kocić. Rugaha Ganacsiga labada  dal Somalia iyo Serbia ayaa wada rajeynaya in ka wada Faa’iideystaan xeebta dheer ee Soomaaliya oo Barigga Africa oo dhan u noqon karta marin Ganacsi iyo Serbia oo ah dalka wax soo saar fiican leh weliba dhinac Macdanta, Beeraha Tiknoolajiyadda iyo Warshadaha. Labadda dhinac ayaa ka wada hadlay sidii la isaga kaashaan lahaa Horumarinta Ganacsiga Soomaaliya iyo Serbia sidoo kale Ganacsiga gobolka Geeska Afrika iyo marin-biyood badda Cas.

Ugu Dambayn labadda Rug Ganacsi ayaa u mahad celinayay Safaaradda Soomaaliya ee Belgrade Danjiraha iyo Hawl-wadeenada Safaraadda kaalinta isku xirka ee xiriir u samaynta Ganacsatada labadda Dal Soomaaliya iyo Seerbiya. 🇸🇴🤝🇷🇸

 

DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Xafiiska Warfaafinta Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed
Mr. Adam Hassan Mohamud
somalichamberofcommerce@gmail.com, info@somalichamber.so
Twitter: @somaliacci

 

DAAHFURKA SOMQR CODE

Bangiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa so bandhigay SOMQR CODE, kaasi oo ah mid isku furaayo dhamaan bangiyadda dalka, oo ay ku mideysan yahiin ilaa 13 Bangi. Munaasabadda lagu shaacinayay Hanaanka Qaran ee SOMQR, ayaa waxa kaso qaby galay xildhibaano, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda  Maaliyadda XFS, Midowga Bangiyada, iyo Ganacsato ay hogaamineyso Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed Mudane Mahamud Abdi Ali “Gabeyre” oo kamid ah ayaa ugu horeynti soodhaweyay shaqadda culus ee bangiga dhaxe uu kutalaab saday waxa uuna sheegay “intaas kadib waxaan bangiyadeena ku amanayaa mesha ay kaso bilaben, run ahaanti xawalad ayaa laga so bilaabay, ayadi ayaa muddo kabacdi isku badashay bangi, ilaa 13 bangi ayeey garayaan, run ahaanti wa aan ku dhibaneen in aan ganacsatadeenu ay mid waliba account kasameystan, waayo in aad qaar katagdid marabtid, in aad wada furatana waa dhibadan tahay, marka in manta lasa meeyay hal meel oo ay ku mideysan yahiin waa guul”

 

DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Adam Hassan Mohamud
somalichamberofcommerce@gmail.com
Xafiiska Warfaafinta Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed
Twitter: @somaliacci

 

  

FURITAANKA SUUQA BARAKO HYPERMARKET

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha – Soomaaliya Mudane Hon. Jibril Abdirashid Haji, oo ay wehliyaan, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Xildhbbaan Osman Mohamed Abdi (Daallo), Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Guddoomiye ku-xigeenka maamulka iyo maaliyada Gobalka Banaadir mudane Ciise Maxamuud Guure, Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed Mudane Mahamud Abdi Ali “Gabeyre” iyo ururka midowga Jaamacadaha dalka ayaa si rasmi ah xariga uga jaraya Suuqa Barako Hypermarket. Munaasabadda xarig jarka oo aheed mid heer sare loso agaasimaya ayaa lagu qabtay xarunta suuqa Barako Hypermarket oo ku taalla dagmada Wadajir ee Gobolka Banaadir, taasi oo ay kaso qayb galleen masuuliyiin katirsan mamulka dagmada, gancsatada qayba heeda kala duwn, culuma, udiin, iyo bahda waxbarashadda dalka. Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Mudane “Gabeyre” oo kamid ah masuuliyiinta goobta ka hadashay aya ugu horeyn soodhaweeyay Suuqa Barako Hypermarket waxana sheegay in ay farxad galineyso balan qaadkii ay caawa sameeyeen mamulka Barako Hypermarket, kaasi oo ahaay in ay furi doodanan warshaddo isla markaana ay dhiri galin doonan beeraleyda dalka “Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed wax yaalaha ay diiradda saarto waxaa kamid ah wax soo sarka dalka iyo warshadeynta, waana wax yaalaha aadka inogu muhiim san” Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Mudane Hon. Jibril, oo xafladda soo xeraya ayaa baaqa udiray ganacsatadda “Ganacsatada gaar ahaan midowga bangiyada waxaan ugu baaqaya in ay dib uso celiyaan warshadii dharka ee balcad taasi oo ah midda kaliya ee hadda kanol warshadihii dalka ee bad baaday bur burkii kadib, waxa ay ku taala dagmadda balcad waa ay shaqeysaa boqolkiiba sagaashan iyo shagaal waa ay ficantahay, kaliya dayactir ayeey ubaahan tahay” #barakohypermarket 
DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Adam Hassan Mohamud
somalichamberofcommerce@gmail.com
Xafiiska Warfaafinta Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed
Twitter: @somaliacci
   

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Hamza Abdi Barre oo furay Shirka Dhaqaalaha Soomaaliya.

Waxaa manta magaaladda Mogadishu si rasmi ah uga furmay Shirka Dhaqaalaha Soomaaliya oo ay soo qaban qaabiyeen, Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed, Hey’adda UNIDO, iyo Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed, kaasi oo socon doona muddo laba maalmood ah.

Shirkaani oo ah mid heer caalami ah ayaa waxaa kaso qayb galay qarmid ah xukuumaadda Ra’iisul Wasaare xamza, Hey’adda UNIDO, EU, Ganacsato kasocotay dalka Talyaaniga, iyo Ganacsato Soomaaliyeed oo ay hogaamineyso Rugta Ganacsiga, waxaana lagu soo bandhigay fursadaha ganacsi ee la xiriira wax-soosaarka dalka ee dhinacyada Beeraha, Kalluumeysiga, Warshadaha iyo Tamarta.

Ra’iisul Wasaaraha oo shirka furay ayaa sigaar ah u xusay dalka Talyaaniga kaasi oo Soomaaliya la leh xiriir ganacsi oo soo jireen ah, iyada oo Soomaaliya ay Talyaaniga uga iman jireen gaadiidka, qalabka beeraha, iyo daawada halka Soomaaliya ay u diri jirtay kalluun, muus, iyo waxyaabo kale oo muhiim ah, waxuuna ku boorriyey ganacsatada Talyaaniga in ay ka faa’iideystaan fursadaha maalgashi ee xiligaan ka bannaan Soomaaliya.

Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed Mudane Maxamuud Abdi Ali  “Gabeyre” oo shirka ka hadlay, ayaa boggaadiyey Shirk dhaqaalaha Soomaaliya, waxaana uu sheegay in shirkani ahmiyad weyn u lee yahay xiriirka ganacsi ee iskaashiga Soomaaliya iyo Talyaaniga.

 

DHAMMAAD

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;

Adam Xasan Mohamud,

Xafiiska Warfaafinta Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed

Web somalichamber.so

Facebook: https://www.facebook.com/somalichamberofcommerce/

Twitter: @somaliacci

 

 

 

KULAN LOOGA ARIN SANAAYAY CANSHUUR KORDHINTA LAGU SOO KORDHIYAY DAKADDA MOGADISHU.

Waxaa goordhaw xarunta dhaxe ee Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed lagu soo gaba gaba gabeeyay kulan balaaran oo ay iskugu yimaadeen qaybaha kala duwan ee Ganacsiga dalka. Kulankaani ayaa salka ku hayay canshuur kordhin lagu sameeyay qaar kamid ah alaabaha laga soo dajiyo dakadda magaaladda Mogadishu,

Rugta Ganacsiga iyo Gudi ka kooban waxaha kala duwan ee ganacsiga dalka oo loo xilsaaray xalinta arimaha canshuuraha ayaa waxa laga dhageeystay warbixino iyo ga’aankii ay kaso qadeen maxada sare oo uu ugu horeeyo Madax weyne Dr Xasan Sheikh Maxamuud, Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda, Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha – Soomaaliya. Dhamaan ganacsatadii kulanka kaso qayb gashay ayaa muujiyay in ay ku qanacsan yahiin go’aanka Rugta Ganacsiga iyo Gudigu u soo qadeen ganacsatada.

Ugu danbeyntii maamulka sare ee Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed oo u hogaaminaayo Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Mudane Maxamud Cabdikariin “Gabeyre” iyo qaar kamid ah Ganacsatadii kulanka ku sugneed ayaa go aan ku gaaray fulinta go’aanadii gudigu ay isla soo gaareen madaxda qaranka.

 

By Adam Hassan Mohamud.

 

 

 

BANDHIGA SUUQ WEYNAHA MOQADISHU SANADKIISI 4AAD

Guddomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed Mudane Maxamuud Cabdi Cali “Gabeyre” oo ay wehliyaan Guddomiyaha Rugta Ganacsiga Gobolka Banaadir iyo Gudoomiyaasha Suuqyada Bakaaraha iyo suuq Bacaad ayaa ka qayb galay Bandhiga Suuq Weynaha Muqdisho oo sanadkii 4-aad maanta ka furmay Magaalada Muqdisho.

Furitaanka Bandhigaan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale), Wasiir Kuxigeenka Wasaarada Ganacsiga iyo Warshadaha, Wasiir Kuxigeenka Shaqada iyo Shaqaalaha, Mamulka Rugta Ganacsiga iyo Marti sharaf kale.

 

Guddomiyaha Rugta Ganacsiga mudane “Gabeyre” oo kamid ah masuuliyiinti goobta ka hadlay ayaa ugu horeyntii bogaadiyay Bandhiga Suuq Weynaha Muqdisho oo sanadkii 4-aad qabsamay asaga oo ugu baaqay in ay siiwadaan howsha ay bulshadda uhaayaan Masuuliyinta Suuq Weynaha Muqdisho, ka Rugta Ganacsiga ahaane in ay garab taagan yahiin horayne ay garabtagnaayeen. Dhanka kale Guddomiyaha ayaa masuuliyiinta Gobolka Banaadir iyo Wasaaradda Ganacsiga ka codsaday in lahelo carwadii qaranka soomaaliyeed taasi oo ah goob logu tala galay Bandhig carwedyada.

 

Dhamaad.