News
๐๐๐๐ญ๐ข ๐๐๐ฅ๐ฅ๐๐๐ซ๐๐ง ๐จ๐จ ๐ฎ๐ฎ ๐ก๐จ๐ ๐ ๐๐๐ฆ๐ข๐ง๐๐ฒ๐จ ๐๐๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ค๐ ๐๐๐ง๐๐๐ฌ๐ข๐ ๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐๐ซ๐ฌ๐ก๐๐๐๐ก๐ ๐๐ ๐ ๐จ๐จ ๐ฆ๐๐๐ง๐ญ๐ ๐ ๐๐๐ซ๐๐ฒ ๐ฆ๐๐ ๐๐๐ฅ๐๐๐ ๐๐ข๐ฌ๐ฆ๐๐๐ฒ๐จ ๐๐ ๐๐๐ฐ๐ฅ๐๐๐๐ ๐๐ฎ๐๐๐ฅ๐๐ง๐.
SODHAWEYNTA GUDDOOMIYAHA CUSUB EE BULSHO DEVELOPMENT BANK
XAFLADA XARIG JARKA WARSHADDA DHARKA SOO SAARTA EE ESQUIRE AFRICA
DAAHFURKA XAFLADDA SHIRKADDA HATTA COMPUTERS AND DOCUMENTS SOLUTIONS.
DAAHFURKA XAFLADDA SHIRKADDA XCMG IYO WAKIILKEEDA SOOMAALIYA EE SHIRKADDA SMART GROUP
TODOBAADKA QARAN EE HORUMARINTA KALLUUMEYSIGA SOOMAALIYA.

DOOD CILMIYEED LOOGA HADLAY SARA UQAADIDA IS-DHAXGALKA BULSHADDA BARIGA AFRIKA EAC.
Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed ayaa ka qayb gashay Dood Cilmiyeed looga hadlay sara uqaadida is-dhaxgalka Bulshadda Bariga Afrika EAC, iyo Ganacsiga Soomaalida. Munaasabadaani oo lagu qabtay Decale Hotel, ayaa waxaa Dood Cilmiyeed isku dhaaf-saday, qaybaha kala duwan ee Ganacsatada dalka iyo Masuuliyiinta Bulshadda Bariga Afrika EAC. Kuwaasi oo soo qayb galay, Shirweynaha Xoojinta Iskaashiga Urur Gobaleedka Dhaqaalaha Bariga Afrika EACON 2024.
Agaasime ku- xigeenka Rugta Ganacsiga Prof Ciise M Xalane, ayaa Masuuliyiinta Bulshadda Bariga Afrika EAC, lawadaagay warbixin ku saabsan xaladaha Ganacsiga, iyo fursadaha maalgashiga dalka kajira, โ Ganacsiga Soomaaliya waxa uu marayaa in uu ka gudbo xududaha dalalka Afrika, dadka Soomaaliduna waa dad dhaqan ahaan u leh Ganacsiga, sido kale Soomaaliya waa dhul qayraad kiisu uu wali dahsoon yahay, waxana lajooga waqtigii lamaal gashan lahay dalka Soomaaliyaโ
Ugu danbeyntii Masuuliyiinta Bulshadda Bariga Afrika EAC, iyo Ganacsatada kulanka kaso qayb gashay ayaa, ka wada hadlay is-dhaxgalka Ganacsiyad, Hormarinta iyo sida ganacsiga Soomaalidu uu ugaaril lahay, xuduudaha Bulshadda Bariga Afrika EAC. Kulanka ayaa waxaa soo xeray, Raโiisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda JF-Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac.


ย
ย

RUGTA GANACSIGA IYO EABC OO HASHIIS WADA SHAQEYN AH KU KALA SAXIIXDAY MAGAALADDA MUQDISHO.
Guddomiyha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed Mudane Mahamud Abdi Ali โGabaireโ oo ay wehliyaan, Guddomiye ku-xigeenka Rugta Ganacsiga Mudane Cabdiraxman Cabdullahi Adam โGalambeโ, Guddomiyaha Rugta Ganacsiga Gobolka Banaadir, Mudane Axmed Cabdullahi Xasan โShariifโ,โ ayaa hashiis wada shaqeyneed la saxiixday Agaasimaha Gudiga Ganacsiga Bulshada Bariga (EABC). hashiis kaani oo kadhacay xarunta Rugta Ganacsiga, ayaa ah mid sara loogu qaadayo is dhax galka Ganacsiga Bulshada Bariga iyo Ganacsatada Soomaaliyeed, sido kale Rugta Ganacsiga ayaa horay ugu biirtay Rugta Ganacsiga Bulshada Bariga Afrika.
Soomaaliya ayaa Ururka Bulshada Bariga Afrika ku biirtay bishii march ee sanadkaan kana noqotay xubin buuxda. Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo shirka furay ayaa tilmaamay in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay dhiirri-gelinta maalgashiga iyo in dowladuhu si sharci ku wadaagaan fursadaha jira.







ย
ย ย ย 