RA’IISUL WASAARE KU-XIGEENKA XFS OO KULAN LA QAATAY QAAR KAMID AH GANACSATADA DALKA.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa kulan la yeeshay qaar kamid ah qaybaha kala duwan ee ganacsatada dalk, kulani  ayaa waxaa looga hadlayay dhibaatooyinka ay sababeen roobabka dayrta ee ka da’aya qaar kamid ah gobollada dalka.

Kulanka ayaa waxaa lagu soo bandhigay xaaladda dhabta ah ee ay sababeen roobabka, waxaana ilaa iyo hadda inta la xaqiijiyey ku dhintay daadadka iyo fataahadaha ka da’ay qaar kamid ah gobollada dalka, dadka gaaraya 25 ruux, iyada oo ay saameyn ku yeesheen 717, 825 kun oo qof.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa sheegay in xaaladdu ay ka sii dari karto, maadaama ay soo wajahan yihiin roobab iyo daadad cusub sida ay tilmaameyso saadaasha iyo digniinaha soo baxaya. Mudane Saalax ayaa hoosta ka xariiqay sida ay lagama maarmaan u tahay in la helo xeelad walba oo gurmad loogu fidin karo meelaha ay go’doomiyeen daadadka iyo fatahaadaha is wata.

Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed Mudane Maxamuud Cabdi Cali “Gabayre” oo ku hadlaayay magaca ganacsatada kulanka kasoo qayb galshay ayaa sheegay in ay dhankooda ay diyaar u yihiin gurmadka walaalahooda Soomaaliyeed ee dhibaatadu ka soo gaartay fataahadda iyo daadka ay sababeen roobabkii dayrta ee ka da’aya dalka.

DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Xafiiska Warfaafinta Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed
Adam Hassan Mohamud
somalichamberofcommerce@gmail.com,
info@somalichamber.so
@somaliacci