Guddomiyha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed Mudane Mahamud Abdi Ali “Gabaire” ayaa manta ka qayb Xafladda Daahfurka shirkadda Hatta Computers- Documents Solutions, oo wakiil buuxa u ah shirkadaha qalabka Electronic ga, ee RISO, KYOCERA, Xerox, sido kalane lammaane la ah shirkadaha HP, Canon, Lenove. Munaasabaddaan oo ka dhacday teendhada xalane, ayaa waxaa goobjoog ka ahaa, Wasaaradda Amniga Gudaha, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha, Xildhibaano, Madaxda Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed, Wakiilo ka socday shirkada RISO, KYOCERA, Xerox, iyo HP, Canon, Lenove.
Maamulaha Guud ee shirkadda Hatta Computers and Documents Solutions Mudane Saciid Axmed Farax. ayaa ka warbixiyay adeegyada shirkadda ay bixiso “Waxaan wakiil buuxda u nahay shirkadaha, RISO, KYOCERA, Xerox, sidookale waxaan la mataaneysan nahay HP, Canon, Lenove, oo aan qalab kooda oo waaranti leh dalka keenay, anaga oo waliba sheygi kaa ciladobo ku cillad bixihayno”, sido kale waxa uu sheegay in ay munaasabadda kaso qayb galeen qaar kamida madaxda shiradaha ay wakiilka uyahiin.
Guddomiyha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed Mudane Mahamud Abdi Ali “Gabaire” oo kamdi ah masuuliyiinta goobta ka hadashay ayaa ugu horeentii Shirkadda Hatta Computers ugu hanbalyey xariirka ay, la yeelatay shirkaddaha caalamiga ah ee qalabka Electronic. “Dalka waxaa ku soo badanaayo shirkadaha waaweyn oo caalamiga ah, kuwaasi oo bilaabay in ay baranjiyaal iyo wakiilaba ka sameestaan gudaha dalka, arintaasina waxa ay ku tusineysa in Ganacsiga Soomaaliya, wax badan iska badaleen, ayna daneyhayaan suuqa weyn ee Bulshadda Bariga Afrika”.
DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Xafiiska Warfaafinta Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed
Adam Hassan Mohamud
somalichamberofcommerce@gmail.com,
info@somalichamber.so
@somaliacci




















