Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale “Madaale” Wasiiru Dowlaha Madax-tooyada Mudane Abshir Buqaari, Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed Mudane Maxamuud Cabdi Cali “Gabayre” Guddoomiyaha Jazeera Real State, mudane Iman Maxamed Cali, ayaa si rasmi ah u dhagax dhigay Beerta Dalxiiska ee Jazeera, sidoo kalana xariga ka jaray, Wejiga labaad ee dhismaha Guryaha Jazeera Real State, waxana maal galinaya IBS Bank.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo kamid ah masuuliyiinta goobta ka hadashay ayaa ganacsatada Soomaaliyeed ku amaanay doorka maalgashiga iyo dib u dhiska dalka, waxaana uu ugu baaqay in ay ganacsatadu dalkooda ku kalsoonadaan.Dhanka kale Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga ayaa ganacsatada ku amaanay hormarka iyo maalgashiga, sidokalane, uga mahada celiyay shirkadda Jazeera Real State malgashiga balaaran ee ay sameysay.









