GANACSATO U-DHALATAY DALKA KUWEYT OO BOQOSHA KUYIMID XARUNTA RUGTA GANACSIGA.

Guddomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed Mudane Maxamuud Cabdi Cali “Gabeyre” oo ay wehliyaan, Guddomiye ku-xigeenka Rugta Ganacsiga mudane Cabdiraxman Cabdullahi Adam “Galambi” iyo Xoghayaha Guud ee Rugta Ganacsiga ahna Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Jubaland Mudane Xuseen Raabi Kaahin, ayaa kulan la qaatay Ganacsato u-dhalatay dalka Kuweyt, oo ay wehliyaan, xildhibaano katirsan Barlamaanka JFS.

Agaasime Ku-xigeenka Rugta Ganacsiga Prof Ciise M Xalane ayaa uga warbixiyay Ganacsiga dalka, Maalgashiga, iyo guud ahaan fursadaha ka jira dhanka Ganacsiga. Ganacsaatadaani ayaa ah kuwa daneynaya in ay mal-gashi ku sameystaan, Xoolaha, Beeraha, Maxjarka xoolaha, iyo Real Estat ka kajira dalka.

Ugu danbeyntii Guddomiyaha Rugta Ganacsiga mudane “Gabeyre” oo kulanka soo afmeeray ayaa soodhaweyay masuuliyiinta kala duwan, asaga oo yiri “waxaan idiin balamin doona waaxaha kala duwan ee aad daneyheysaan, iyo guud ahaan ganacsatada ciddii daneyheyso in ay idinla shirkowdo”

 

DHAMMAAD

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;

Xafiiska Warfaafinta Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed

Adam Hassan Mohamud

somalichamberofcommerce@gmail.com,

info@somalichamber.so

Home

Facebook:https://www.facebook.com/somalichamberofcommerce/

@somaliacci

https://www.instagram.com/rugtaganacsiga/

https://www.linkedin.com/…/somali-chamber-rugta…/