BANDHIGA SUUQ WEYNAHA MUQDISHO.

Guddomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed Mudane Maxamuud Cabdi Cali “Gabeyre” oo ay wehliyaan Guddoomiye ku-xigeenka Rugta Ganacsiga Mudane Cabdiraxman Cabdullahi Adam “Galambi” iyo Xoghayaha Guud ee Rugta Ganacsiga, ahna Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Jubaland Mudane Xuseen Raabi Kaahin, ayaa ka qayb galay Bandhiga Suuq Weynaha Muqdisho oo sanadkii 5-aad maanta ka furmay Magaalada Muqdisho.

Bandhigaani ayaa waxaa si rasmi ah u-furay, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale “Madaale”, bandhiga ayaa lagu qabtay beerta nabada ee magaalada muqdisho, waxaana kaso qayb galay, ganacsato, kuwaasi oo halkas kusoo bandhigay ganacsiyo kala duwan, sida ganacsiyadda wax soo saarka, agab-yadda beeraha, adeeg yada bulshada, iyo nuucyada kale ee ganacsiga dalka. bandhigaan ayaa ah mid sanad la ah, waxaana uu socon doonaa muddo labo cesha ah.

Guddoomiye “Madaale” ayaa ugu horeyntii umahad celiyay qaban qaabiyaasha Bandhiga Suuq Weynaha ee Muqdisho “runtii muqdisho waa tilaab satay horay ayeey usocotaa, waxaana aad iyo aad ugu farax sanahay shaqa abuur in uu kabilawday meesha, oo dadku ay wax yaaba badan curinayaan, guul ayeey nootahay, waxan rajeyheyna bandhig yadda aduunku, marka ay isku imanayaan waa la isku marti qada, si dadka ka imaanaaya daafaha aduunka, loogu soo bandhigo wax soo sarka, anaguna wa aan ku tagi doonaa, in aduunka leysaga yimaado bandhigyada aad sameyneysaan, saan wax soo sarkeena u soo bandhigno”.

DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Xafiiska Warfaafinta Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed
Adam Hassan Mohamud
somalichamberofcommerce@gmail.com,
info@somalichamber.so
@somaliacci