SHIRWEYNAHA SANADLAHA EE URURKA MIDOWGA JAAMACADAHA SOOMAALIYEED 2024.

Shir Sanadeedka Ururka Midwga Jaamacadaha Soomaaliyeed ayaa manta ka furmay magaalada Muqdisho, waxaana kaso qayb galay Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha Iyo Tacliinta Sare XFS Mudane Farah Sheikh Abdulkadir, Xildhibaan Cabdullaahi Faarax Mire, Guddomiye ku-xigeenka Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed Mudane Cabdiraxman Cabdullahi Adam “Galambe” iyo Xubno ka socda Jaamacadaha dalka iyo Guud ahaan bahda wax barashada.

 

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha Iyo Tacliinta Sare Mudane Farah Sheikh Abdulkadir, ayaa soo dhaweeyay, waxaa uuna sheegay in meesha umadda laga hogaamiyo ay tahay wax barashada sare, Ururkaane loga baahan yahay in ay wax ka badalaan fakarka iyo maskaxda dhalilyarada Soomaaliyeed ee kujira ama kuso biiri doona Jaamacadaha, sidokale in uu Ururku sameeyo Cilmi Baarisyo ay iska kaashanayaan dhaxdooda, laguna xalinayo mashaakilaadka kajira guud ahaan dalka.

 

Gudoomiyaha Midowga Ururka Jaamacadaha Professor Bideey, waxaa uu isna sheegay in shirkaani loogu tala galay inla isku xog wareysto, waxyaabihii u qabsamay Ururka iyo waxyaabaha u qorsheysan sanadkaan, si loogaaro horuma.

Guddomiye ku-xigeenka Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed Mudane Cabdiraxman Cabdullahi Adam “Galambe” ayaa isna bogaadiyay Midowga Jaamacadaha, waxaanuu sheegay in la joogo waqtigii Bahda waxbarashada ay kor u qaadi lahaayeen tayada waxbarashada sare.

 

DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Xafiiska Warfaafinta Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed
Adam Hassan Mohamud
somalichamberofcommerce@gmail.com,
info@somalichamber.so
@somaliacci