Xaflad loogu dabaal degaayay Maalinta Furdooyinka Caalamga oo ku beegan 26-January-2024, ayaa waxaa dekedda Magaaladda Muqdishu ku qabtay, furdooyinka Soomaaliya. Munaasabadaani oo aheed mid heer sare loo soo agaasimay ayaa waxaa kaso qayb galay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda XFS 𝐗𝐢𝐥𝐝𝐡. 𝐁𝐢𝐢𝐱𝐢 𝐈𝐦𝐚𝐚𝐧 𝐂𝐢𝐠𝐞, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda 𝐗𝐢𝐥𝐝𝐡. 𝐂𝐚𝐛𝐝𝐢𝐪𝐚𝐟𝐚𝐚𝐫 𝐂. 𝐗𝐚𝐚𝐧𝐠𝐞, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Mudane Saleiman Sh. Cumar, Agaasimaha guud ee Dakhliga Faysal M. Xaashi, Agaasimaha furdooyinka, Guddoomiye ku-xigeenka maamulka iyo maaliyadda Gobolka Banaadir Mudane Ciise Guur, Guddoomiye Ku Xigeenka Bankiga Dhexe Mudane Dr. Ali Yaasiin, Maareeyaha Dekedda Xamar Mudane Axmed Washington, Madaxa Howlaha Guud ee Al Beyrak Mudane Jockan, iyo Ganacsato uu hogaaminaayo Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed Mudane Maxamud Cabdi Cali “Gabeyre”
Gaba-gabadii xafladda ayaa waxa shahaadooyin la guddon siiyay Rugta Ganacsiga, qar kamida ganacsatada soodajinta, Bangiga Dhaxe iyo xubno ka tirsan howl wadeenada furdooyinka Soomaaliya. Dhamaan masuuliyiintii kaso qayb gashay xafladda ayaa u hanbalyeeyay furdooyinka Soomaaliya iyo Furdooyinka Caalamka, waxaana ay kula dar-daarmeen in howlaha ay bulshada u haayaan ay kordhiyaan, ayna fududeeyaan adeeg yada Ganacsiga dalka.
DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Xafiiska Warfaafinta Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed
Adam Hassan Mohamud
somalichamberofcommerce@gmail.com,
info@somalichamber.so
@somaliacci















