Somali Chamber of Commerce and Industry

Rugta oo ka Qayb Gashay Shirka Xoojinta Kaalinta Ganacsatada ee Horumarinta Dhaqaalaha

shir muhiim ah oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Qorsheynta Maalgashiga Iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Xafiiska Iskuduwidda Deeqaha (ACO) ayaa waxaa isugu yimid ganacsatada gaaarka loo leeyahay ee dalka si ay uga wada hadlaan sidii loo siyaadin kari lahaa ka qaybgalka ganacsatada ee hirgelinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP).
Iyadoo shirkani ujeedooyinkiisu ahaa in la xoojiyo doorka ganacsatada ee dhaqangelinta qorshaha muhiimka ah NTP iyo in la soo bandhigo fursadaha maalgashiga iyo ganacsiga iyo yoolalka NTP, si loo dhiso kalsooni dhexdooda ah oo looga wada shaqeeyo horumarka qaranka.
Shirkan waxaa ka qaybgalay Rugta ganacsiga iyo warshadaha Soomaaliyeed oo uu uga qayb galay ku-xigeenka ahna madaxa xiriirka arimaha dibadda iyo kan caalamiga iyo iskaashiga Prof. Ciise M. Xalane, kaasoo soo jeediyay khudbad dheer oo uu kaga hadlayey xoojinta doorka ganacsatada waxa uuna si gaar ah xoogga u saaray in la sameeyo guddi ka kooban labada dhinac ee dowladda iyo Rugta ganacsiga oo ay ku wada jiraan ganacsatada gaarka loo leeyahay, si looga wada hadlo caqabadaha hortaagan horumarinta kobaca dhaqaalaha si loo helo xalal waara oo looga gudbo dhibaatooyinkaas.
ugu dambeyn waxaa la filayaa in gudigaan cusub uu bilaabo shaqadiisa si deg-deg ah si loo xalliyo caqabadaha hortaagan ganacsiga, dhoofinta iyo wax-soosaarka, loona kordhiyo fursadaha maalgashiga ee dalka, taasoo horseedi doonta koboc dhaqaale oo la taaban karo oo dhammaan dadka Soomaaliyeed u faa’iido leh.