Shirkadda Erosom ayaa manta loo daah-furay goob loogu tala galay in lagu dayactiro diyaaradaha “Maintenance repair overhaul MRO” munaasabadda daah-furka oo aheed mid heerkedu sareyo, ayaa waxaa kaso qayb galay masuliyiin kala duwan oo ay ugu horeeyaan xubno katirsan Barlamaanka labadiisa aqal, Wasiirada Wasaaradda Gadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliyeed, Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshaddaha Soomaaliyeed, Ganacsato ay hogaaminayaan mamulka Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed. Iyo culuma’udiin.
Shirkadda Erosom ayaa ah shirkadii ugu horeysay ee qaada jaha ka gadisan midkii lagu yaqaanay gancsatada dalka, dhanqanka Ganacsiga Soomaaliya iyo tarikhdiisa intaba, waxaana laxoojiyay in fikirka nucaan ah uu yahay midka keenaya hormarka Ganacsiga Soomaalida, ayna kabi-karana dhaqalaha dalka. Yagleelidda shirkadaani ayaa waxaa iska kaashaday ganacsato Soomaaliyeed.
Dhamaan masuuliyiintii kulanka kaso qayb gashay ayaa bogaadiyay adeega ay soo kordhisay shirkada Erosom. Ugu danbeyntii Wasiirada Wasaaradda Gadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliyeed oo kulanka soo xertay ayaa ganacsatada ugu baqdayin in ay malgashadaan dhanka duulista hawada, halkaasi oo ay kajiraan fursado ganacsi oo farabadan.
DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Xafiiska Warfaafinta Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed
Adam Hassan Mohamud
somalichamberofcommerce@gmail.com,
info@somalichamber.so
@somaliacci