MADASHA AQOON ISWEYDAARSIGA WACYIGELINTA IYO FAHAMKA HESHIISKA AFCFTA IYO HIRGELINTA XOG-KEYDIYAHA GANACSIGA SOOMAALIYA

Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha – Soomaaliya ayaa soo qaban qaabisay Madasha aqoon isweydaarsiga wacyigelinta iyo fahamka heshiiska AFCFTA iyo hirgelinta xog-keydiyaha ganacsiga Soomaaliya, waxaana kaso qayb galay masuuliyiin kala duwan oo ka kala tirsan Barlamaanka, xukuumadda, iyo Ganacsato ay hogaaminayaan masuuliyiinta Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed, iyo Bulshada Rayidka.

Madashaani oo aheed mid aqoon iswedaarsi ah oo diiradda lagu sarayay, wacyigelinta iyo fahamka heshiiska AFCFTA iyo hirgelinta xog-keydiyaha ganacsiga Soomaaliya, ayaa waxaa dah-furay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshaddaha Soomaaliyeed, xildhibaan Cusmaan Maxamed Cabdi “Daalo” “Wasaaraddu waxa ay aqoon santahay doorka muhiimka ah ee ganacsatadu ay ka cayaaraan, kobaca dhaqaalaha, sidaas darteed wasaarada waxaa ka go’an sidii ay ugu fududeyn laheed, ka qeyb qaadashada is dhax galka dhaqaale ee gobolka iyo guud ahaan afrikaba”

Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Mudane Maxamud Cabdi Cali “Gabeyre” oo kamid ah masuuliyiinta goobta ka hadashay ayaa ugu horeyn uga mahad celiyay Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya. qaban qaabada Madasha aqoon isweydaarsiga wacyigelinta iyo fahamka heshiiska AFCFTA iyo hirgelinta xog-keydiyaha ganacsiga Soomaaliya, iyo Guud ahaan ganacsatada waqtigooda usoo huray “barnaamijkaan waxaa aad uga fa’iideysan doono guud ahaan ganacsatada gar ahaan Beeraleyda, Kaluumeysatada, Warshadleyda, Bangiyada iyo Xawaaladaha” Dalkeenu waxaa uu mardhaw uguuridona dhanka dhoofka, waxaana malgashan doona warshadaha dalka, anaga oo jaanis ka helidoona kubiirista suuqayada waweyn ee afrika.

DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Xafiiska Warfaafinta Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed
Adam Hassan Mohamud
somalichamberofcommerce@gmail.com,
info@somalichamber.so
@somaliacci