MUNAASABADDA DAAHFURKA DHOOFKA HILIBKA SOOMAALIYA DALKA SACUUDIGA

Munaasabadda daahfurka dhoofka hilibka Soomaaliya ee dalka Sucuudiga oo ay si wadajir ah usoo agaasimeen Wasaaradda Xannaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa XFS iyo Shirkadda Hilibka Soomaaliya (Somali Meat Company), ayaa lagu qabtay magaaladda Mogadishu.
Munaasabaddani oo aheed mid her sare loso agaasimay ayaa waxa kaso qayb galay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Mudane Xamse Cabdi Barre, Wasiirka Xannaanada Xooloha, Dirta iyo Daaqa, Xubno katirsan Golaha Barlamaanka, Safiirka Dalka Sacuudiga, Ganacsato ay hogaaminayaan mamulka Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed. Iyo bulshadda qaybaheeda kala duwan.
Ra’iisul Xamse oo goobta ka hadlay ayaa ku tilmaamay tallaabo guul ah dhoofka hilibka Xoolaha Soomaaliya ee ay ogolaatay Boqortooyada Sacuudigu, waxuuna xusay in dadka Soomaaliyeed iyo ganacsatada ay ka heli doonaan dhaqaale iyo shaqo abuur ka badan kii laga heli jiray dhoofka xoolaha nool, Ra’iisul Wasaaraha oo ka hadlayay fursadaha suuqa ganacsiga bariga Afrika, ayaa sheegay in ku biirista Soomaaliya ee dalalka ku mideysan Dallada Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika ay u tahay ganacsatada Soomaaliyeed fursad muhiim ah oo ay tahay in ay ka faa’iideystaan, iyagoo leh xuquuq lamid ah kuwa dalalka kale ee ku mideysan dallada.
Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed Mudane Mahamud Abdi Ali “Gabeyre” ayaa sodhaweyay tallaabadan ay wadajirka uqaadeen a Shirkadda Hilibka Soomaaliya (Somali Meat Company), iyo Wasaaradda Xannaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa XFS, sidokale Guddomiyaha ayaa ku tillmamay in ay ganacsatada Soomaaliyeed ay ka hormarsan tahay kuwa Africa.
DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Adam Hassan Mohamud
Xafiiska Warfaafinta Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed
Web somalichamber.so
Twitter: @somaliacci
          

Leave a Comment