Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Hamza Abdi Barre oo furay Shirka Dhaqaalaha Soomaaliya.

Waxaa manta magaaladda Mogadishu si rasmi ah uga furmay Shirka Dhaqaalaha Soomaaliya oo ay soo qaban qaabiyeen, Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed, Hey’adda UNIDO, iyo Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed, kaasi oo socon doona muddo laba maalmood ah.

Shirkaani oo ah mid heer caalami ah ayaa waxaa kaso qayb galay qarmid ah xukuumaadda Ra’iisul Wasaare xamza, Hey’adda UNIDO, EU, Ganacsato kasocotay dalka Talyaaniga, iyo Ganacsato Soomaaliyeed oo ay hogaamineyso Rugta Ganacsiga, waxaana lagu soo bandhigay fursadaha ganacsi ee la xiriira wax-soosaarka dalka ee dhinacyada Beeraha, Kalluumeysiga, Warshadaha iyo Tamarta.

Ra’iisul Wasaaraha oo shirka furay ayaa sigaar ah u xusay dalka Talyaaniga kaasi oo Soomaaliya la leh xiriir ganacsi oo soo jireen ah, iyada oo Soomaaliya ay Talyaaniga uga iman jireen gaadiidka, qalabka beeraha, iyo daawada halka Soomaaliya ay u diri jirtay kalluun, muus, iyo waxyaabo kale oo muhiim ah, waxuuna ku boorriyey ganacsatada Talyaaniga in ay ka faa’iideystaan fursadaha maalgashi ee xiligaan ka bannaan Soomaaliya.

Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed Mudane Maxamuud Abdi Ali  “Gabeyre” oo shirka ka hadlay, ayaa boggaadiyey Shirk dhaqaalaha Soomaaliya, waxaana uu sheegay in shirkani ahmiyad weyn u lee yahay xiriirka ganacsi ee iskaashiga Soomaaliya iyo Talyaaniga.

 

DHAMMAAD

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;

Adam Xasan Mohamud,

Xafiiska Warfaafinta Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed

Web somalichamber.so

Facebook: https://www.facebook.com/somalichamberofcommerce/

Twitter: @somaliacci

 

 

 

Leave a Comment