SHIR WEYNAHA HAWEENKA GANACSATADA SOOMAALIYEED.

Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed Mudane Maxamud Cabdi Cali (Gabeyre) oo ay wehliyaan qaarkamid ah Ganacsatadda dalka ayaa ka qayb galay Shir Weynaha Haweenka Ganacsatada Soomaaliyeed, oo ay soo qaban qabiyeen SOMALI WOMAN IN BUSINESS. SWIB FORUM. Kulankaani oo ahaay mid heer sare looso agaasimay ayaa waxaa ka qayb galay xubno kasocday xildhibaanadda labada aqal, Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dr Cilmi Maxamed Nuur, Haween kala duwan, Ganacsato iyo maamulka Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed.

 

Wasiirka Maaliyadda Jamhuuriyadda Federaal Soomaaliya, Dr. Cilmi Maxamed Nuur oo kasoo qeyb galay Shir Weynahah Haweenka Ganacsatada Soomaaliyeed ayaa yiri, “Waa ii farxad inaa kasoo qayb galo Shir weynahan. Haweenka Soomaalida waxaa loo aqoonsan yahay inay yihiin dadka ugu adkeysiga badan, waxayna laf dhabar u ahaayeen jiritaanka dhaqankeena, waxayna muujiyeen sida ay u ilaaliyeen bulshadeena iyo qoysaskeenna. Waxaana ku bogaadinayaa habaleheen in ay kordhiyan barashada xirfadaha gacanta.”

 

Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Mudane (Gabeyre) ayaa xusay sida haweenka ay uga wanagsan yihiin ragga marka loo eego horumarinta dhaqaalaha, isla markaana ay mansabyo sare ka hayaan ganacsiga dalka “Rugta Ganacsiga waxay si dhow ula shaqaynaysaa hay’adda UNIDA si kor loogu qaado tayada haweenka ganacsiga kujira, Rugta Ganacsiga mar waliba waxa ay diyaar u ahay in ay haweenka Soomaaliyeed ka taageero ganacsigooda dhinac walba oo nolosha ah.”

DHAMAAD.

 

 

Leave a Comment