Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa daahfuray Shirweynaha Xoojinta Iskaashiga Urur Gobaleedka Dhaqaalaha Bariga Afrika EACON 2024. Shirkaani oo ah shirkii ugu horeyay ee EAC masuuliyiin kasocda ay Muqdisho uga qayb galan. Shirkan oo socon doona muddo laba cisho ah ayaa looga hadlayaa sidii Soomaaliya ay uga faa’iideysan lahayd ku biirista Ururka Dhaqaalaha ee Bulshada Bariga Afrika.
Shirkan ayaa waxaa kaso qayb galay, Wasiiro, xildhibaano ka socdo labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya,Safiiradda Beesha Caalamka, masuuliyiin kasocoty EAC, Ganacsato ay hogaaminaayaan Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed. Ururka midowga Jaamacadda, iyo bulshada qaybaheeda kala duwan.
Madaxweynaha JFSoomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khubarad qoto dheer oo uu ku falanqeynayay hanaanka loo horumarinayo xiriirka Ganacsi iyo midka bulshada ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo dalalka kale ee ku bahoobay Dallada Bulshada Bariga Africa, ka jeediyay kulanka, sido kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa khudbaddiisa ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la helo iskaashi iyo wadajir si loo horumariyo dhaqaalaha dalka, loona abuuro fursado shaqo oo waara.
Guddomiyha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed Mudane Mahamud Abdi Ali “Gabaire” oo kamid ah masuuliniinta goobta ka hadlay ayaa yiri “Rugta Ganacsiga waxa ay xubin ka tahay Rugta Ganacsiga Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika, ku biiradda ururka wax badan ayey u tartay ganacsatadeena.”
DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Xafiiska Warfaafinta Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed
Adam Hassan Mohamud
somalichamberofcommerce@gmail.com,
info@somalichamber.so
@somaliacci




















