Somali Women Business ayaa Mogadishu ku qabtay Bandhiga Ganacsiga Haweenka.
Bandhigaani oo ah mid laqabto sanad waliba waxaa diiradda lagu saraa dar-dargalinta, dhiiri-galinta iyo hormarinta ganacsiga haweenka soomaaliyeed, waxana kaso qayb gala hawanka dhalin yarada ah ee kujira ganacsiga qayba hiisa kala duwan, kuwaasi oo horumar ka gaaray ganacsiga dalka.
Kulankaani ayaa waxaa kaso qayb galay xubno kala duwan oo kakala socday qaybaha kala duwan ee bulshadda, oo ay ugu horeeyaan Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed, Wasaarada Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka, iyo hey’adaha hormarinta hawenka.
Gudoomiye ku xigeenka Rugta Ganacsiga mudane “Galaambi” oo kamid ah masuuliyiinta goobta ka hadlay ayaa yiri “Gabdhaha Ganacsigooda waxan markhaati ka nahay inay uu yahay mid Guulaysto, Gabar Hanti yeelatay waa Bulsho Tanaaday”
Sido kale waxaa ayaduna goobta kahadashay Agaasimaha Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka ” Wasaarada Haweenka waxa ay Maanka ku haysaa inay taageerto dadaalada Dumarku ay hormarinayaan howlaha Ganacsiga, wayna uga mahadcelinaysaa Kaalinta weeyn ee ay kaga jiraan Hormarka Ganacsiga dalka ka jira”
Ugu danbeyntii waxaa kulanka ka hadashay Gudoomiyaha Somali Women Business marwo Xirsiyo Cabdulle Siyaad “Aad baan ugu faraxsanahay in maanta si wadajir ah uga soo qayb gasheen Bandhiga Ganacsiga ee Haweenka, Somali Women Business waxay dumarka Soomaaliyeed ku dhiirigalinaysaa waliba kuwooda wax bartay inay abuurtaan oo kusoo biiraan Ganacsiga si Naftooda iyo Dalkooda u Hormariyaan”