Bandhigga Guuleeystayaasha Soomaaliyeed

Munaasabad ay si heer sare u soo agaasintay shirkadda Hormuud telcom looguna magac daray Guulaystayaasha Soomaaliyeed oo ay kasoo qeyb galeen madaxda gobolka banaadir, rugta ganacsiga, maamulka sare ee shirkada hormuud, culamaa’udiin, haweenka, dhaliyarada iyo dhamaan macaamiisha shirkada hormuud telecom ayaa maanta lagu qabtay hoolka sahal ee magaalda Muqdisho.

 

Munaasabada oo socon doonta muddo laba maalmood ah ayaa waxaa daahfuray gudoomiyaha shirkada hormuud telecom Axmed Maxmuud Yuusuf isagoo faahfaahiyay aasaaskii shirkada hormuud iyo shirkadaha ka farcamay ee hoos yimaada. Bandhigaan ayaa inta uu socdo waxaa lagu so bandhigi doonaa dood cilmiyeedyo xiiso badan, khudbado dhaxal gal ah, waxaana goobta ka hadlay bahda waxbarasha, ganacsatada, aqoonyahano soomaliyeed.

 

Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed, Mudane Maxamud Cabdi Cali “Gabeyre” oo ka hadlay munaasabada ayaa ku dheeraaday hormaradii ay shirkada hormuud wadanka gaarsiisay sidoo kalana sheegay in ay qayb weyn ka qaadatay dhismaha wadanka.

 

Gudoomiyaha gobolka banaadir ahna duqa muqdisho mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale oo ka qayb ahaa martida ayaa shirkada hormuud telecom ku amaanay mudadii 20-ka sano eheeyd ee ay usoo dhabar adeegtay xaaladihii adkaa ee uu wadanka soo maray. Bandhigaan ayaa inta uu socdo waxaa lagu so bandhigi doonaa bandhig carweed ay ka qeyb qaadanayan dhamaan shirkadaha kala duwan ee hoos yimaada shirkada Hormuud telecom iyaga oo soo bandhigi doona adeegyo cusub, sameyn doona qiimo jabin, qaban doonana baqtiyaanasiiib qofkii ka qeyb gala uu fursad u heli doono inu ku guuleysto, xirmooyin internet iyo waxyaabo kale oo qaali ah sida moobiladii ugu danbeeyey ee iphone iyo Samsung.

 

 

Dhamaad

 

 

       

Leave a Comment