XARIG JARKA LAMU SHIPPING LIMITED

Shirkadda lamu shipping ayaa dalka keentay Markabkii ugu horeeyey oo si toos ah badeecado ugu soo qaaday Dalka Shiinaha, kuna soo xirtay dakadda weyn ee magaladda muqdihsu. Munaasabad xarig jarka ayaa waxa kaso qayb galay Xildhibano, Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha, Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gadiidka Badda, Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda, iyo Ganacsato ay hogaaminayaan mamulka Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga “Gabaire” “Shiinaha waa meelaha ugu badan ee Ganacsatadeenu alabaha ka keenan una diraano, marba hadii uu ku imaanayo markabku 17 maalmod, noqoshadiisuna ay intaas oo kale ay tahay 2bilood ilaa 3 bilood in uu mar imaan karo ayey ilatahay, sidaas darteed ganacsatada Soomaaliyeed halkaas waxaa uga banana jaanis fudud.”
DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Xafiiska Warfaafinta Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed
somalichamberofcommerce@gmail.com,
info@somalichamber.so
@somaliacci