XARIG JARKA XARUNTA CUSUB EE ISTIKBAL SOMALIA.

Shirkadda qalabka dhismaha ugu weyn dalka Turkiya ee Istikbal oo mataano la ah Jawhara Furnitures, ayaa xarun cusub ka furatay Somaliya, gar ahaan magalada Muqadisho, munaasabadda xarig jarka oo aheyd mid her sare lo soo agaasimay ayaa waxaa kaso qayb galay, Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Abshir Buqaari, Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Ahmed Diiriye (Yabooh), ganacsato uu hogaaminaayo Guddomiye ku-xigeenka Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed Mudane Cabdiraxman Cabdullahi Adam “Galambe” oo uu wehliyo Guddomiyha Rugta Ganacsiga Gobolka Banaadir, Mudane Axmed Cabdullahi Xasan “Shariif”, iyo Bulshada qaybaheda kala duwan.

Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Abshir Maxamed ayaa bogaadiyay Jawhara Furnitures kalsoonida weyn ee ay ku kasbatay inay waddanka keento shirkadda Istikbal oo ay la mataanawdo. Guddomiye ku-xigeenka Rugta Ganacsiga Mudane “Galambe” waxaan ganacsatada Soomaaliyeed, leehay hambalyo waxaad keenteen shirkad weyn oo macna ugu fadhido dadka, Istikbal waxaa ay xarumo ku leedahay dhowr dal, in Soomaaliya laga furana waxa ay cadeyn u tahay horumarka Ganacsiga ee dalku gaarayo mudooyinkii danbe.


DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Xafiiska Warfaafinta Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed
Adam Hassan Mohamud
somalichamberofcommerce@gmail.com,
info@somalichamber.so
@somaliacci